WAJAALE NEWS

Madaxwaynuhu Xaq Miyuu U Leeyahay Dib U Dhigista Shirwaynaha Xisbiga Kulmiye W/Q : Mohamed Abdikarim Omer

HARGEISA WAJAALENEWS Nin dawee la leeyahay Danbi uu badhleeyahay Xalka doon la leeyahay Isagay u darantoo Inuu daaro ma ogola Daaraanta mililka leh

Nin daweela leeyahay

Danbi uubadhleeyahay

Xalka doonla leeyahay

Isagay udarantoo

Inuu daaro maogola

Daaraanta mililkaleh

Qaska Iyo jahawareerintaXisbiga Kulmiye

 

Khilaafka xisbiga kulmiye oo haatan saddex sano jirsaday, waxa dabkaxisbiga kulmiye laga soo hurinayay madaxtooyada iyadoo kolba masuul dhabarka lasoo taabanayay, imika oo xalada xisbigu cirka ku shareeran tahay waxaynu si koobanu iftiimin doonaa khilaafadkii dhacay iyo halka ay ku salka lahaayeen,

Ugu horayn waxay dadka siyaasada odorosaa ee xogogaalka ahi ka dharagsanyihiin in madaxwaynuhu ka danbeeyay khilaafyadii xisbiga kulmiye ka dhacay oodhan, dhacdadii aadka u foosha xumayd ee lagula kacay ina abdiqadir waxa sidacadceeda u cad loona ogyahay in madaxwaynaha oo ay isqabteen darteed xisbigadibada looga soo tuuray, dhawacna loogu gaystay, arintaa godobteeda iyodanbigeedana aanay cidkale lahayn oo  madaxwaynahu leeyaay siduu ina abdiqaadirba kucadeeyay waraysiyadiisii

Kooxaha macaan jecesha ah ee ku xeeran madaxtooyadu waxay ku dadaalayeeninay danbiga madaxwaynuhu aabaha u yahay dadkale la doon doontaan godobteeda.Madaxwaynuhu shaxdiisa siyasadeed ayaa siday la noqotay u dhignayd inuu  yeesho gacmo badan oo uu ku doco doceeyoxisbiga kulmiye, wuxuu sameeyay garabyo kala duwan oo intaba isagu xagadanbe ufadhiyo, waa qaab bulshada loogu muujinayo inay cida kale gudoomiyaha kuhaystaan xisbiga, garabyo ku loolamayaan awooda xisbiga, isaguna isku muujinayodhex dhexaad, xaqiiqduse ay tahay inuu yahay cida garabyadan samaynaysa. Balsebulshadu way ka dharagsan tahay in garabyadan jugaysani inay wakiil ka yihiinmadaxwaynaha.

Waxa xigtay dhacdadii madaxwayne ku xigeenka iyo kooxihii xaalwaaga ahaa ayisku soo urursadeen si ay mar sadexaad xisbiga ku doc faruuraan arimihiisasocda, Madaxwayne ku xigeenku wuxuu dhaxqaaday arin sharci aanu u lahayn,awoodeedii aanu lahayn, meel uu u soo marayna aanay jirin oo ah ku dhawaaqistainuu iskugu yeedho gudidii fulinta, Akhriste fahanoo gole fulineed awood waxa uleh iskugu yeedhistooda gudoomiyaha xisbiga, sida madaxwaynuhu awood uguleeyahay magacabista iyo shirinta wasiirada taas oo sharciyan ka hor imanaysaxubin ka mid ah golaha dhexe inuu awoodi gudoomiyaha isku dhereriyo,

 

Bulshadu goob joog ayay u ahayd markii hogaanka xisbigu sifo sharci ah ugajawaabeen in uu madaxwayne ku xigeenku qudcur gudayo, khaladna ay tahay in uuxidho shaadh aan leekayn, xisbigana uu ka yahay xubin golaha dhexe ah,awoodiisuna ay xadidan tahay.

 

Dhacdadaas fooshaxun waxa xigtay dhacdadii madaxwaynuhu ku sheegay inuu dib u dhigayshirwaynihii xisbiga sidoo kalena uu ku magacaabay gudi uu ugu yeedhay  gudida turxaan bixinta ( Hal xaaran ahi ,Nirig Xalaal ah ma dhashee).

 

Awoodaha GudoomiyahaXisbiga

 

Sida uu sharaxayo dastuurka xisbiga kulmiye,qodobka 24aad, bogiisa13aad  Gudoomiyaha xisbigu waa madaxa iyohoggaanka guud ee xisbiga, wuxuuna xisbiga ku leeyahay awoodaha soo socda:

Exit mobile version