WAJAALE NEWS
Madaxwaynuhu Xaq Miyuu U Leeyahay Dib U Dhigista Shirwaynaha Xisbiga Kulmiye W/Q : Mohamed Abdikarim Omer
January 18, 2014 - Written by Editor:
HARGEISA WAJAALENEWS Nin dawee la leeyahay Danbi uu badhleeyahay Xalka doon la leeyahay Isagay u darantoo Inuu daaro ma ogola Daaraanta mililka leh
Nin daweela leeyahay
Danbi uubadhleeyahay
Xalka doonla leeyahay
Isagay udarantoo
Inuu daaro maogola
Daaraanta mililkaleh
Qaska Iyo jahawareerintaXisbiga Kulmiye
Khilaafka xisbiga kulmiye oo haatan saddex sano jirsaday, waxa dabkaxisbiga kulmiye laga soo hurinayay madaxtooyada iyadoo kolba masuul dhabarka lasoo taabanayay, imika oo xalada xisbigu cirka ku shareeran tahay waxaynu si koobanu iftiimin doonaa khilaafadkii dhacay iyo halka ay ku salka lahaayeen,
Ugu horayn waxay dadka siyaasada odorosaa ee xogogaalka ahi ka dharagsanyihiin in madaxwaynuhu ka danbeeyay khilaafyadii xisbiga kulmiye ka dhacay oodhan, dhacdadii aadka u foosha xumayd ee lagula kacay ina abdiqadir waxa sidacadceeda u cad loona ogyahay in madaxwaynaha oo ay isqabteen darteed xisbigadibada looga soo tuuray, dhawacna loogu gaystay, arintaa godobteeda iyodanbigeedana aanay cidkale lahayn oo madaxwaynahu leeyaay siduu ina abdiqaadirba kucadeeyay waraysiyadiisii
Kooxaha macaan jecesha ah ee ku xeeran madaxtooyadu waxay ku dadaalayeeninay danbiga madaxwaynuhu aabaha u yahay dadkale la doon doontaan godobteeda.Madaxwaynuhu shaxdiisa siyasadeed ayaa siday la noqotay u dhignayd inuu yeesho gacmo badan oo uu ku doco doceeyoxisbiga kulmiye, wuxuu sameeyay garabyo kala duwan oo intaba isagu xagadanbe ufadhiyo, waa qaab bulshada loogu muujinayo inay cida kale gudoomiyaha kuhaystaan xisbiga, garabyo ku loolamayaan awooda xisbiga, isaguna isku muujinayodhex dhexaad, xaqiiqduse ay tahay inuu yahay cida garabyadan samaynaysa. Balsebulshadu way ka dharagsan tahay in garabyadan jugaysani inay wakiil ka yihiinmadaxwaynaha.
Waxa xigtay dhacdadii madaxwayne ku xigeenka iyo kooxihii xaalwaaga ahaa ayisku soo urursadeen si ay mar sadexaad xisbiga ku doc faruuraan arimihiisasocda, Madaxwayne ku xigeenku wuxuu dhaxqaaday arin sharci aanu u lahayn,awoodeedii aanu lahayn, meel uu u soo marayna aanay jirin oo ah ku dhawaaqistainuu iskugu yeedho gudidii fulinta, Akhriste fahanoo gole fulineed awood waxa uleh iskugu yeedhistooda gudoomiyaha xisbiga, sida madaxwaynuhu awood uguleeyahay magacabista iyo shirinta wasiirada taas oo sharciyan ka hor imanaysaxubin ka mid ah golaha dhexe inuu awoodi gudoomiyaha isku dhereriyo,
Bulshadu goob joog ayay u ahayd markii hogaanka xisbigu sifo sharci ah ugajawaabeen in uu madaxwayne ku xigeenku qudcur gudayo, khaladna ay tahay in uuxidho shaadh aan leekayn, xisbigana uu ka yahay xubin golaha dhexe ah,awoodiisuna ay xadidan tahay.
Dhacdadaas fooshaxun waxa xigtay dhacdadii madaxwaynuhu ku sheegay inuu dib u dhigayshirwaynihii xisbiga sidoo kalena uu ku magacaabay gudi uu ugu yeedhay gudida turxaan bixinta ( Hal xaaran ahi ,Nirig Xalaal ah ma dhashee).
Awoodaha GudoomiyahaXisbiga
Sida uu sharaxayo dastuurka xisbiga kulmiye,qodobka 24aad, bogiisa13aad Gudoomiyaha xisbigu waa madaxa iyohoggaanka guud ee xisbiga, wuxuuna xisbiga ku leeyahay awoodaha soo socda:
- Waa guddoomiyahaguddida fulinta ee xisbiga
- Wuxuu magacaabaaxoghayayaasha guddiga fulinta, lacagahayaha iyo xisaabiyaha xisbiga
- Wuxuu xisbiga kagawakiil yahay heshiisyada xisbigu la gelayo dhinacyo kale
- Isagoo ka tilmaanqaadanaya go?aammmada shirweynaha, kuwa golaha dhexe iyo kuwa guddida fulintawuxuu jiheeyaa dhammaan hawlaha xisbiga iyo siyaasadda guud ee xisbiga
Madaxwaynaha iyo xisbigakulmiye
Xisbiga kulmiye waa xisbi qaran, waxa uu leeyahay shuruuco iyo dastuur sicad u qeexaya awoodaha gudoomiyaha, kuwa golaha dhexe, golaha fulinta iyo xuquuqda xubinta.
Madaxwaynuhu shirwayne ayuu sifo sharci ah ayuu xilkii hogaanka xisbiga ama gudoomiyaha xisbiga ee uu hayay mudadadheer uga dagay, sababtoo ah dastuurka xisbiga ayaa dhigaya in gudoomiye kuxigeenka koobaad doorashada madaxtooyada kad dib uu sifo sharci ah ula wareegohogaanka xisbiga. xisbigana waxa wada lahaa bulshada somaliland oo dhan oohadba cidii joogta ku daba galaysay hogaaminta uguna deeqaysay tageeradoodahiil iyo hooba leh, xisbigan oo ay gacan ka gaysatay tageeristiisa dhaqaale iyomid cod bulsho waynta somaliland oo dhan ayaan ahayn hanti shaqsi leeyahay, balse ahinsitution la kala dhaxlayo oo sifo sharci ahna lagula kala wareegay,
Madaxwaynuhu waa xubingolahaha dhexe ah, sida uu qeexayo Qodobka 27aad,bogiisa 15aad ee dastuurka xisbigu, Gudoomiyaha xisbiga,madaxwaynaha jamhuuriyada somaliland ee ka soo jeeda xisbiga kulmiye,madaxwayne ku xigeenka, mudaneyaasha xisbiga ugu jira goleyasha sharci dejintaqaranka, guddoomiyayaasha xisbiga ee gobolada waxay golaha dhexe kaga midnoqonayaan xilka ay hayaan ama hore u qabteen dartii
Sidaa darteed madaxwaynuhu wuxuu ku sharfan yahay ama madaxwayne ku yahaydastuurka jamhuriyada somaliland, sharciguna qadirin iyo dhawrid ayuu mudanyahay, Sharcigu waa ka u saamaxay inuu madaxwayne noqdo , waaka u saamaxaymilgahaa madaxwayne inuu ku noqdo xubin golaha dhexe ah, waaka inoo suurogaliyay jiritaanka asxaab qaran iyo dimuquraadiyada. Sharciga xisbiga kulmiyanawuxuu mudan yahay ixtiraamkiisa, mana gayo docfaruur iyo sharci jabin.
Yaa sharciyan awood u leh dib u dhigista iyo mudayntashirwaynaha xisbiga kulmiye
Waxa awood u leh dib u dhigista iyo mudaynta shirwaynaha xisbiga, golahadhexe ee xisbiga , Sida uu qeexayo Qodobka27aad bogiisa 14aad, Golaha dhexe ee xisbigu waa hay?adda hagaysa hawlahaxisbiga inta u dhexysa labada shirweyna, waxaanuka kooban yahay 170 xubood oo aanay ku jirin xubnaha ku soo gala golahaxilka ay hayaan dartii, sida aynu xaga sare ku soo xusnay.
Tiradaa dhawrka boqol ah madaxwaynuhu wuxuu ka yahay xubin, muddadashirwaynaha xisbiga dib loo dhigay waxa xilka xisbiga sii haynaya guddoonkaxisbiga, golaha dhexe iyo duddida fulinta xisbiga ee xilka haya
Akhriste tageerayaasha xisbiga kulmiye waxay hada ka garniqi karaan Khaladkaiyo gafka madaxwaynaha, warqada uu madaxwayuhu ku sheegay dib u dhigistashirwayaha iyo magacabista gudiduba, waa waxba kama jiraan waan qalad si ulakac ah uu u galay madaxwaynuhu, ay haboon tahayna inuu garwaaqsado kana noqdo
Waxaa la saadalin karaa in arintaasi ay ka dagi waydo gudida fulinta,golaha dhexe, gudoomiyaha , ku xigeenka iyo xooghayaha xisbiga, iyagoo laalidoona go?aankaas khaladka ee ka soo yeedhay madaxtooyada.
Xalinta Khilaafka xisbigakulmiye
Xal dag dag ah oo lagu maareeyo xiisada ka taagan khaladka sharciyeed eemadaxwaynuhu ka galay xisbiga, waxay samata bixinaysaa bur bur xoogan oo kuyimaada xisbiga kulmiye iyo xukuumada ahmed siilaanyo, arintan oo khal khalwayn u hor seedi karta habsami u socodka iyo jiritaanka dawlada iyo ta xisbigaba.
Balse sida la saadaalinayo, xisbigan oo waayo aragnimo buuxda u leh xalintakhilaafadka, waxa la rajanayaa in madaxwaynaha iyo hogaanka xisbigu isku af garan doonaan arimahan taagan,madaxwaynuhuna ka garaabi doono dhacdadooyinkan sharci darada ah ee kagaimanaya xisbiga hogaanka xukuumada. aakhirkana afgarad buuxa lagu soo afjari doonokhilaafkan soo noq noqday ee bu dhiga uu u yahay madaxwaynuhu.
Related
COMMENTS
|
|