Haybinta Iyo Haraatida Sanadka 2014
Qalinkii Garyaqaan Cabdale Dahir Adan
Bartay Aqoontaka Xeerarka
2/1/2014
WAJAALENEWS Waa xaajo uguba oo maaha mid curada in aan hada bilawnay sanad cusub, ee waa mid waligeed soo taalay, siina jiri doonta, tan iyo malinta uu Eebe weyne sida uu yidhi, uu duubi doono adunkan aan guudkiisa saaranahay, se waxa ay ka tagaan, mahadhooyin, iyo raad lagu xasuusto, waana taas ta ay sanaduhu ku kala gadisan yihiin.
Iyada oo taasi jirto, waxa meesha taal in qaran iyo qofba u baahan yihiin, hawl mudaysan oo uga meel taal sanadka uu hadba bilaabo, kii ka tagayna uu dib isugu geeyo, hawlihii uu sii qorshaystay sanadkii dhaafay, ee aanu noqon mid sida indhoolaha gabada marka ay dhirbaaxadu ku dhacdo, waana halka uu Abwaan Gaariye Eebe godka ha u nuuree uu ka yidhi.
Nin dariiq xariiqdaa
Garan kara dayawdaye
Dhidarkii ku kacay danad
Dockastaaba waa u daw
Taas aniga oo ka dulaya waxa aan hoosta ka xariiqayaa in aan dib waxa u habaysano, oo aan eegno, hayanka halkeena ku wadanaa? Maxaa inoo qabsoomay qaran iyo qofba? Maxaa inaga qabyo ah? Maxaa qabyo ka dhigay hawshan inoo kala qalan? Hawlo sideeya ayaa sanadkan inoo yaala? Weydiimahaas baa inoo mudan miiskana inoo yaala ee waa in sida ay u kala sareeyaan aan u kala gurnaa.
Taas iyada oo aan ka dulaayo, waxa aan qodobo aan ka dhigi, waxa aan u arko in ay sanadkan cusub ee 2014ka miiska inoo yaalaan, hadii aan nahay bulshada Somaliland, oo ay gadh-wadeen ka yahay Hogaanka manta jooga, waana mid inta badan hawshaasi u taal, se bulshada garab iyo gashanba waa ga baahan yihin, waxana dhaba In aan hawl loo wada dhididin aanu nina kalidii ku dhaadan Karin, si aan hadaba sanadkaas aan dhexda xidhano, maxaa miiska inoo yaala.
1- Wada hadalada Somaliland Iyo Somaliya
2- Adeegyada gunta u ah nolosha dadkeena
3- Diyaarinta doorashada 2015 ka
4- Soo xidhida irida bari ee qarankeena
5- Madaxweyne 2013 waa lagu waayee yaan 2014 lagu waayin
1- Wada hadalada Somaliland Iyo Somaliya
Dib gu laaban mayo, balaadhinta qodobkan waayo hore ayan qormo u gaara aan si hufan oo aad u qoto dheer aan uga hadlay, qofkii rabaa ha ku laabto, waxan uu halku dhigeedu yahay, Xog-dhaba Wadahadalada Somaliland Iyo Somaliya, waxana ay ku jirtaa Google, war-baahinta waa ku soo baxday, se waxa aan rabaa uun in aan toosh ku qabto, in ay tahay hawlaha ugu mudan ee qaran ahaan inoo wada yaal miiska, iyada oo ay tahay in aan sanadkan aan arinkaas aan meel adag aan ku soo xidhno, danteena ka soo dhamaysano, waayo waxa dan ah oo inoogu jirtaa ma jirto sii socosho intan ka badan, waana in miiska la soo saaro waxa dhabta ah ee aan meesha ka rabno, hadii kale waa yaanu waqtiga inag qaadin, ee aan toos cabashadeena aan hordhigno Maxkamada aduunka iyo Midawga Afrika iyo Qaramada Midoobay, oo aan halkaas ku kala gar-naqsano, waxana ugu mudan ee miiska inoo yaalaa waa hadii aan nahay Somaliland.
Waxa aad miisaka soo dhigtaan
1- In ay si cad u qirtaan in aan ahayn laba qaran oo isku soo biiray 1/07/1960 kii, taas anaga oo ka duulaynana aan ka baxnay 18/05/1991 kii midnimadii aan idin la galnay
2- In uu yahay xuduudka u dhexeeya Somaliland Iyo Somaliya kii u dhaxeeyay, labadii qaran ee isku soo biiray 1/07/1960kii ee uu ka tagay, labadii maamul ee ka kala talin jiray, xadkaas oo la dhigay 1891-1907
3- in ay ay qirtaan xasuuqii loo gaystay dadka reer somaliland, isla markaana ay garab iyo gaashaan buuxa ku siiyaan somaliland sidii loo hor-keeni lahaa garsoorka, dadkii gaystay
4- in ay magdhaw ka bixiyaan burburintii gayigeena somaliland, taas oo aan ku weynay dhamaan hantidii aan lahayn oo dhan, raadkeediina sii qoyan yahay, waana in gudi loo saaro soo qiimaynta dhibtii inaga soo gaadhay
5- In hantidii ay la hayd daawladii la isku odhan jiray somaliya, wixii ka nool si siman loo kala qaybsado, hadii ay tahay, safarado, diyarado iyo maraakiiba
6- In daynta lagu lee yahay somaliya wixii ka horeeyay 1991kii, oo aan hub lagu soo iibsan, aan qaybteena qaadano hadii aan nahay somaliland, waayo, amintaasi waa xiligii ay si dhaba u burburaty wixii la isku odhan jiray somaliya, inaguna aan madaxbanaanideenii aan la soo noqonay, se waa in aynaan ogolaan daynta hub lagu soo iibsaday, ileen hubka waxaa loo adeegsaday, burburinta dhulekeena iyo bara-kicinta dadkeena.
Qodobadaas baa gun iyo gunaanad u ah, waana GAR ay leeyihiin Reer Somaliland oo dhami, wax cidi aayar dhaafi karto maaha, hadii kale waxa meesha lagu hayaa waa waxa aan meel ina gaadhsiinayn.
Waxana aan hawshaas aan ku soo ooday, dhawr qodob oo aan talo ka dhigaayo,
1- In miiska la soo saaro waxa jira ee aan meelaha soke aan lagu daalin
2- In Ilimada Dublamaasiyada lagu daro, hawsha, hadii ay tahay dhanka Maraykanka iyo Uk iyo cida hawshan ku raadka leh ba
3- In wanaagu yahay in la kala baxo uu yahay waxa manta hor-yaal Tol-weynaha Somalida, oo si dhaba oo I taabsiiya gacanta loogu saaro
4- In wanaagu halkaas ka bilaabmayo, hadii si haboon look ala baxo, hadii kale ay tahay bilawgii kala-fogaanshaha
Waa qodob aan laga dhargayn, balaadhintiisa, se waxa aan ku soo xidhay murtidan odhanaysa.
Kan intiisa hagaajay ( Somaliland)
Dantiisana haysata
In uu hantidayda ( Somaliya )
Hadhuub u tosho
Anaa ka habaaran
Hadaan ka yeelo
2- Adeegyada gunta u ah nolosha dadkeena
Waa dhab oo hawsha qaran-dhisku waa mid waligeed soconaysa, se waxa mudan in aan sanadkan aan u soo wada jeedsano, sidii aan nolosha dadkeena kor ugu soo qaadi lahayn hadii ay tahay.
1- Biyaha
2- Cafimaadka
3- Waxbarashada
4- Wadooyinka
Waa taas ta dhabta ah ee manta ay tabayso, bulshadeenu, wax miisaan ah oo aynu leenahay ma jirto inta qof inaga mida ay ka maqan tahay intaasi, ama mid ka midi, waayo waxa maqan xaq uu qofi lahaa, hadii kaasi maqan yahay, oo aan la baadi doonin waxa iyana iman doonta maalin la waayo, inta kale xaqooda, maxaa yeelay Xaqu maaha mid qaybsama, ee waa mid dhan, taas baa yoolka sanadkan inoo ah, waxa aan la hadlayaa waa raga hogaanka haya, ee bulshada u balan-qaaday in ay waxaas ka dharginayaan, gar maaha in dhan uu ka dharo barwaaqadaas, dhanka kalena uu ka qatanaado barwaaqada, ee waa in hogaanku dib tirade gadmatay uu u sigib tiara, oo baahiyaha mudan bulshada uu ka wada simaa.
3- Diyaarinta doorashada 2015 ka
Waa mid ka mida hawlaha inoo yaala gugan curtay, waxan mudan in hawshaas, aan xil-weyn aan iska saarno, si aanay meesha u iman mudo dhaaf, waana mid inoo maamuus ah in aan hawshaas ku qabano waqtigeeda, waana haboon tahay in la isku xidho labada doorasho, ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada, waxan haboon in aan ogaano in culayska ugu badani ka imanaayo Doorshada Golaha Wakiilada, maxaa yeelay, waxa ay u baahan tahay qodobadan.
1- Go’aan dhaba laga gaadho GOBOLADAN CUSUB, maxaa yeelay waxa ay si dhaba uga soo hor-jeedaan Saami-qaybsigii hore
2- In dib loo dhameeyo dhamaan xeerarka doorashadu u baahan tahay, si aanu mudo-dhaaf meesha u soo galin
3- In dib loo eego Saami-qaybiga, maxaa yeelay hada kan jiraa waa Ku-meel-gaadh
4- in gobolada dhinacyada aad loo tix-galiyo, maxaa yeelay saami-qaybsigu waxa uu ku qotomaa GOBOLO, taasina waxa iyada oo gar ah ay u badinaysaa BEESHA DHEXE, ee deeqsinio ha lagu daro, iyo in la wadaago.
5- Waana in ay si dhaba doorashadu uga wada dhacdaa dhamaan qobolada Somaliland siiba bariga fog
6- In meel la dhigo kala xadaynta gobolada iyo dagmooyinka, taasna muran badan baa ka taagane, yidana waa in hoos loo eegaa
Intaasi waa inta ugu mudan ee hor-taagan qabsoomida doorashada golaha wakiilada, waxa kale oo iyaduna jirta, in RAGA U TAAGAN DOORASHADA MADAXTINIMO, ay qorshe cad oo aqooneed oo si dhab ugu taagan waxa ay bulshada ku hogaaminayaan miiska soo dhigtaan dhan kasta, ee aanay noqon qaar ku hadla wixii af-kooda soo mara, waxan mudan qodobadan.
1- In si toosa ay u doodaan, oo mid kastaa miiska soo saaro, waxa uu bulshada ku hogaaminaayo, si look ala ogaado, bulshaduna ay u doorato kan ugu aqoonta iyo kartida badan
2- In doorkan raga jagooyinka sare u tartamaaya, ay soo galaan gobolada bariga fogi, oo aanay noqon waxa ay beesha dhexe iyo beesha gadabursi aanay isku cel-ceshan
3- In raga gobolada barigu aanay odhan hala noo gartee ay raga la tartamaan, oo aanay qarankooda marti ka noqon, waxana dhaba in ninkii aamusa hooyadii qadinayso
Intaas baan qodobkan aan ku soo koobayaa, waayo waxa aan diidayaa in aan qalinka la taraaro, waana qodob mid kastaa u baahan yahay, lafo-gurkiisa, si bulshadu uga dharagto,
4- Soo xidhida irida bari ee qarankeena
Waa ku ceeb in qarankeena oo manta jira mudo badan uu yahay, qaran aan dhamaan ciidiisa oo dhan, aan gacanta midig ku hayn, waana sumad ka mida sumadaha lagu garto in qarankaasi yahay mid liita.
Aniga oo maankayga ku haya dhamaan duruufaha ku gadaaman, gobolada bariga fog, waa in sanadkani noqdaa, sanadkii qarankeenu uu dhamaan iridaha laga soo galo oo dhan uu gacanta midig ku qabsan lahaa, maxaa yeelay qaran waa bulsho wada socota ee maaha bulsho kala socota, waxan mudan in meesha laga saaro
1- In dadkaas la isku jabiyo, iyagana la isu adeegto
2- In baahida dhabta ah ee dhan kasta ah laga saaro dadkaas
3- In garaadkooda aqooneed kor loo soo qaado
4- In si dhab looga qanciyo, in aan BEESHA DHEX, u socon dhulkooda, waan sida dad badani sheegan
5- In xooga ciidan ee gobolka sool saran laga qaado, oo lagu badalo xiidan boolis ah, oo nabada suga,
6- In dibu-heshiisiin kale oo boogaha daweysa laga qabto, dhulkaas oo ah (1) mid dhaqan (2) iyo mid siyaasadeed
7- In 2% ay miisaaniyada qaranka ku leeyihiin loo kordhiyo oo si dhaba waxa loogu qabto, dadka dhlkaas dagana ay si toosa u gaadho, waana in gudi uu madaxweynuhu gudoomiye u yahay ay hawshaas gacanta ku dhigaan, maamulaana
Intaas baan qodobkan aan k dhaafataa, waxan aan hada gacanta aan ku hayaa qormo aan si qoto dheer aan ugu lafa-guraayo, goboladaas.
1- Madaxweyne 2013 waa lagu waayee yaan 2014 lagu waayin
Waa dhab oo waxa aad tahay hogaankii qaranka, iyo gadh-wadeenka bulshada, taasina waa mid ay bulshadu kuu dhiibatay, ee madaxweyne waxa sanadkaas tagay ka socday qarankeena waad ka war haysaa, oo waad ogtahay hadii ay tahay.
1- Cabudhinta war-baahinta
2- Biyo la’aanta baahaday
3- Ragan aad moodo in ay adiga ku badaleen, ee ay ugu horeeyaan
@ xirsi xxaji cali xasa
@ maxamuud xaashi cabdi, oo madaw badani ku jiro qaabka uu u maamulay deedii lagu dhisaayay madaarada qarankeena
@ wiilka aad sodoga u tahay baashe moorgan
@ marwadaada aamina waris
4- Dhibtii loo gaystay C/raxmaan C/qaadir
5- Xooga uu Maxamed kaahin ku yahay G.ku xigeenka Kulmiye
6- Boobka ka socda hantida qaranku lee yahay hadii ay tahay dhul, iyo dhaqaale ba
7- Tuug waran cade, oo ah hadhaagii tuugtii UDUB, oo aad adigu madaxweyne aan si cad oo aan gabasho lahayn ugu sheegtay in uu tuug yahay, madaxweyne ma adigaa tuugnimadii ku raacay mise waran cade ayaa ka tagay tuugnimadii? Hadii se uu ka tagay mee xoolihii qaranka ee ku maqnaa?
Madaxweyne iyaga maanu dooran ee adiga ayanu kuu dooranay, in aad qaranka hogaamiso, waana in raga hogaanka kula hayaa ay adiga kugu daba faylaan, hadii kale dee noo sheeg oo na dheh aniga qaranka iguma halaysaan, mida kale madaxweyne maaha mid kaa soconaysa in ragii meesha aad joogto ku gaadhsiiyay, aad dhagaha ka furaysato, oo wiil yar oo maan-gaabi u soo han-jabo, waxa aan ku lee yahay madaxweyne raga hawsha kula hayaa waa kibirsan yihiin ee cagta u dhiga dheh.
Waxan ku soo ooday qormadan, waa dhab waana waxa aan la qarin Karin in sanadkan ina dhaafay u yahay mid ay Ceebo waaweyni dul-hoganyeen hogaanka manta jira, marka loo eego 3 sano ee ay hogaanka hayeen, waxan aan si cad aan ugu leeyahay, sanadkani ha noqdo mid aad bulshada uga tagtaan mahadhooyin, maanka bulshada gala, oo ay idinku hadaaqaan, hadii kale waa mid dhaba in UDUBKA , la idinku riixo, oo aad sidii tuugtii hore la idin tilmaamo.
Eebe ha inooga dhigo mid inoo hagaaga oo inoo hiiyiya, waxan aan si gaara ugu xusayaa halkan GAFKA cad ee lagu xidhay Wargeysaka Hubaal, oo aan si cad garb iyo gaashaan aan ugu ahay, waana mid aan ka wada xunahay, in manta uu madaxweyne siilaanyo uu war-baahintii hiilka weyn u soo gashay uu mid mid u ugaadhsado, waan mid aan aan loo baahnayn, taasi.
Eebe ha inooga dhigo Gu’ aan ku tanaadno, oo aan mahadino
Aamin Aamin Aamin
Qalinkii Garyaqaan Cabdale Dahir Adan
Bartay Aqoontaka Xeerarka
2/1/2014