WAJAALE NEWS

Golaha Wakiiladu Ha Ka Doodaan Lacagta tirada Badan ee Miisaaniyada Ugu Jirta Tv.ga Qaranka

Golaha Wakiiladu Ha Ka Doodaan Lacagta tirada Badan ee Miisaaniyada Ugu Jirta Tv.ga Qaranka ee Hadana Lagu Caayayo Xisbiyada Mucaaradka, isla Markaana Waa In uu Talaabo Deg Deg ah Ka Qaado Maareeyaha Tv.ga Qaranka.
Tv.ga qaranka somaliland inkasta oo la sheego in uu yahay tv qaranka oo umada ka dhaxeeyey,ayaa hadana waxaan laga arag dhexdhexaadnimada la sheegay in uu yahay, taasi bedelkeeda waxaa habeen kasta laga caayaa xisbiyada mucaradka ah,waana habdhaqan fool xun oo uu tv.gu ku talaabsaday mudadii uu joogay maareeyaha xiligan ee lagu magacaabo Khadar Cali Gaas, waxaana hubaal ah in hanaanka uu ku shaqeeyo tv.ga qaranku uusan la jaani qaadi karin tv.ga muqdisho ee somaliya, kaasi oo hadii aad daawato aad arkayso in barnaamijyadiisu salka u hayaan danaha umada iyo mustqabalka qaranka soomaliyeed, markaa soomaalidu waxay ku maah maahdaa ninkii Saaxiibkii loo Xiirayow Adiguna Soo Qoyso.
wariye ka tirsan tv.ga qaranka oo ka gaabsaday in uu sheego magaciisa ayaa ku tilmaamay hab maamulka wararka ee tv.ga qaranka mid habaq la ah , iyadoo ninka uu wasiir cukuse ka dhigay madaxa wararka ee lagu magacaabo Maxamed Siciid inkasta oo uu yahay nin weyn ee karaamo ku dhex leh saxaafada ayaa hadana waa nin ay ku weyn tahay guulwadanimadu oo xitaa xiligii UDUB wuxuu ahaa agaasimihii idaacada radyow hargeysa oo xiligaasi laga sii deyn jiray warar iyo barnaamijyo u badan guulwadeyn iyo burubagaando,taasi oo qayb ka ahayd burburkii xisbigii UDUB, sababtayna in si fudud looga guuleysto, waxase uu wariyahaasi sheegay in ay taais ka daran tahay ku xigeenka wararka oo ah nin lagu magacaabo Cali Caadhe Dhame oo ka soo jeeda beesha madaxweyne siilaanyo ayaa waxa la arkaa isagoo marar badan leh marka uu maqlo wasiir ama xildhibaan ka soo jeeda beesha madaxweyne siilaanyo ayaa warkan ku jira wuxuu ku miraqoodaa warkani waa kan ugu horeeyam,markaasaa warkaasi laga dhigaa warka ugu horeeya.akhriste shaqada noocaasi ah ayaa ka jirta tv.ga qaranka ee lagu bixiyo misaaniyadiisa malaayiinka doolar ee laga soo ururiyo hooyooyinka basasha iyo tamaandhada suuqa ku iibinaysa, isla markaana waxaa loo adeegsadaa lacagtaasi tirada badan ee lagu bixiyo kharashka tv.ga qaranka xisbiyada mucaaradka oo habeen kasta xisbi la caayayo taasi oo ah maamul xumo iyo hab dhaqan aan wanaagsanayn oo uu tv.ga qaranku ku dhaqmo.
doorka maareeyaha tv.ga qaranka ayaa waxaa la sheegay in uu yahay sidii uu u dhiiri gelin lahaa cayda xisbiyada mucaaradka balse wuxuu ku fashilmay in uu dariiq wanaagsan oo horumar iyo tusaale u noqda umada u jeexo maareeye khadar cali gaas tv.ga qaranka, waxaa la sheegay in uu maareeyuhu si gaar ah ugu xisaabtamo wararka iyo barnaamijyada lagu caayayo xisbiyada micaaradka ah ee UCID iyp WADANI.
hadaba iyadoo ay arimahaasi sidaasi yihiin ayaa waxaa muhiim ah in golaha wakiilada oo isagu ah kan baasgareeya miisaaniyada tirada badan ee lagu kharash gareeyo tv.ga qaranka in uu ka doodo sifaha sharciga ka baxsan ee loo isticmaalo lacagaha faraha badan ee miisaaniyada ugu jira tv.ga qaranka ee loo adeegsanayo cayda iyo aflagaadada tv.ga qaranka, isla markaana golaha shacabka ee wakiiladu waa in uu si deg deg ah talaabo uga qaado maareeyaha tv.ga qaranka.
Qore:Axmed Maxamed C/risaaq
Email:Axmed-1994@hotmail.com
Hargeysa/Somaliland

Exit mobile version