WAJAALE NEWS

Gabay culus: Xirsiyoow dugaag aan ogaan, kaaga digayaaye

hargeisa wajaalenews;Waxaan halkan ku soo gudbinayaa tix gabaya oo la magac baxday DUGAAG ee ku soo dhawaada.

Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan saxaafada xorta ah ee madaxa banaan iyo akhristayaasha sharafta mudan meelkasday dunida ka joogaan.

Waxaan halkan ku soo gudbinayaa tix gabaya oo la magac baxday DUGAAG ee ku soo dhawaada.

Dawlaabta gabay waa horaan, deeqsi ku ahaaye
Dacartiisa goortaan bartaan, daayay tebintiiye  
Ruuxii damiir weli qabaa, waa damqanayaaye
Daa markaan idhaaba wakhtigu ii dalbanayaaye
Ka durduurta caawaan sii roob gu da´ayaaye.
Xirsiyoow dugaag aan ogaan, kaaga digayaaye  
Horaad dalaq utidhi ceel horoo, dawlis kuu go´aye 
Dacar budhuq abwaankii kayimi, dacarku leefsiiye  
Durdur gabaya waa kii runtii, kuugu daabacaye  
Markii sheeku daalalay akhriyey, dide col kaagiiye
Digtii horeba yaacoo baqii, daab ma soo rogane  
Kuwii haybta kugu daafaciyo, dayday-gii cararye
Dibnahay tosheen oo tixiyo, ….daaye gabaygiiye     
Dib-na looma arag inamadii, damaca waalaaye
Libaax-yaa ku nool dunida weli daacuftii qaba e
Aar kii daboolaa ku jira, hawdkan duurka lehe    
Waa dawri abid dhicoon, dabinka dhawrayne
Dudada iyo tiskaa dhacanta iyo, dayr ma celiyaane 

Daaqadiyo waxuu kala baxaa, Daaradaa furane
Dacawiyo waxaa dhidaro tuban, duubiguu marine.
Afar taa durbaan lama tumee, danab si diisiidhe
Afar aan daliin kii hayoon, la is dafira hayndhe
Dacwad shacabku soo oogay oon, cidi dabolayndhe.

Umad hayay gar diid looma tudho diidan taadaba.e
Oday daalinaa kuugu daran dunida guudkeeda
Da sideetan ninka dhaafaybaa doonayuun belo e
Dugsi waxaan lahayniyo haduu eexo door bida e
Horor kii afweyniyo ka daran duulki waa hore e 

Ictiraafki waa kaa duwiyo, dariiqi toosnaaye
Waa kaa dilaalaye bud dhigay, taa u dirirteene
Waxu idinku sii duubayaa, koonfur oo dama e
Doorashaba ma gaadhsiinayo, wuu duminayaaye
Dawladii xanuun buu ku riday duushay samirkiiye  

Distoor laga caraw-yoo majiro, xadhig dabaalaaye
Dariiqii wacnaa iyo beryahan,dawgi laga baydhye 
Dantii guud-na baabiiye oo, dumiye seeskiiye
Talo xumadu duufaan kadaran, daad sunaamiye  
Ku dayawday dhagax meel dhigiyo, shilimo dodone
Ka dartoo hadaad moodaysaa, daas nin leeyahaye
Odaygaba magaradkaa kadaran, boobka dawdabaye
Dubay iyo waxa lagu shubtaa, duulkan reer yurube
Darmaan adigu aad leedahaa, lagu dalxiisaaye
Daacuunka cudur waxa kadaran, maalka ducufeede
Ilin doqon garaad keed makoro, daayin abidkeede
Waxii ina Suldaan uga digeey degashanaa-yaane
Gacal kii  waa taa la isku diray,  
daacada ahaaye
Waa taa degmana teeda kale, aanay dayahayne
Dayaxeedi waa kuwaa ridee, demiyey laydhkiiye
AaR aaR U wataa lagu dalbaday,  daaya kii yidhiye
Guuleed dabinka looqoolay iyo dakharka oodweyne
Xays kii la dooxiyo kuwaa dooxa lagu aasay
Gabiley dusheediyo ilaa, dila galbeed keeda
Dooxada nugaal iyo dhankaa bari ma daydaane
Haamii shidaal kiyo ka dare, dakedi waynayde
hadaa doolarkuun laga gurtaa kii markaa dega e
Dawo iyo cadaaladi mataal, gebi dal keeniiye
Dadka waxa ka boobteena waa, dab iyo naartiiye
Danyartiyo agoomaha ka xaday, way la daadegiye
Durba waa tan oo waa qabiil, duruga laayaaye
Dumarkii xabsiga kama baxan, daahir ka ahaaye
Hadii aan durduradaa la dhimin, waydin daratoone.

Afar taa durbaan lama tumee, danab si diisiidhe
Afar aan daliin kii hayoon, la is dafira hayndhe
Dacwad shacabku soo oogayoon, cidi daboolayndhe.
Ducaa kugu wacnayd iyo inaad docoha eeg taane 
Hadii meel diriya roobku helo, doog ma soo baxa e
Awrtaan hadaan didib la odhan, dabarka yeelayne
Dooh iyo waxaa lagu ceshaa, dagagar weeyaane.
Rag dawaare kaa badin yaqaan, looma duurxulo e
Caruurtaan dudumo-tii dhacyiyo daynin dhoobada e
Dooryaanka waa uhilib bakhtigan, uu ku degayaaye
Qaar-baa dirxiga soo gurtoo, saara daawaha e
Dalandooli iyo baa na cunay, diirti waaya dane
Dhaqan aan duriyaduba lahayn doorkan aragnaaye 
Adigaa darwiish baan ahiyo, faan ku daakiraye
Daqiiqado haday kugu kacaan, dawdaraa dhiciye
Waa kuwaa dulaamee shacbigi, goostay dabarkiiye
Sawdigii dulaalay hablaha, duub cada u dhiibay
Sawdigii hoteelada daftiran, dumarka caayaayay
Sawdigii tixaa lagugu dabay, yurubka daqiiqaayay
Sawtii dayaantee marqudha, daanka lagu saaray 
Sawtaa dacaayadi hadhane, xaalki dami waayay.


WAABILAAHI TAWFIIQ
XAAJI CAYDIID Ali.

 

Exit mobile version