|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawlada Suuriya oo ku hajabtay inay ka baxaynaa wadahadalka
January 24, 2014 - Written by Editor:DIMISHIQ WAJAALENEWS ;Wadahadalada suuriya iyo mucaaridka ayaa mudo la sugayayay midkastaana dhiniciisa wuxuu danaynayaa .Ergada dowladda ayaa doonaysa in la bilaabo ka doodidda qoddobada muhiimka ah ugu dambeyn maalinta Sabtida ah. Wasiirka arrimaha dibada Suuriya, Walid Mucallim, ayaa hanjabaada ka sheegay warbaahinta qaranka ee dalkiisa, kaddib markii ay kooxdiisa la shirtay dhex dhexaadiyaha Qaramada Midoobay, Al-akhdar Ibrahimi. Mr Ibrahimi ayaa lagu wadaa in uu maanta kulan la yeesho mucaaradka Suuriya. Weli waxaa jira kala qeybsanaan weyn oo labada dhinac u dhexeysa. Ujeedooyin kala duwanDowladda Suuriya ayaa doonaysa in diirada la saaro la dagaalanka argagixisada, halka mucaaradkana ay doonayaan in xukunka laga qaado Madaxweyne Bashar al-Assad. Diblomaasiyiinta ayaa sheegaya in walwalka ugu weyn uu yahay xaqiijinta in labada dhinac aysan ku kala tegin wadaxaajoodka. Wada xajoodka nabada ee Suuriya ayaa muddo dheer la sugayay. Waa markii ugu horreysay ee dhinacyada ay si rasmi ah u wadahadlayaan saddexdii sano ee ay colaadda Suuriya jirtay. WAJAALENEWS DESK
Related posts:Itoobiya Oo War Ka Soo Saartay Xubnaha Baxsadka Ah Ee Tigray, Shacabkana Uga Digtay Inay Qariyaan Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Shaqo Galinta Somaliland oo Ka Dayriyay Qabyaaladeynta Shaqalaha Dawlad... Shil Gaadhi Ka Dhacay Wadada Udhaxaysa Kalabaydh Iyo Wajaale Oo Sobobay Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|