|
||||||
WAJAALE NEWS
Akhriso: Hees Cusub “Soo Daata” Erayadii Abwaan Jamaac Faarax Axmed (Jaamac Riyo)
January 1, 2014 - Written by Editor:Dushiinay ceebi timide Soo data Kuwii idinka ka daran soo data Diir iyo ayax oomanoow ka data Dir iyo daabaan gabaay ka daado Hargeysa (WAJAALENEWS) – Abwaan Jaamac Faarax Axmed Oo Ka Mid Ah Hal Abuurada Reer Somaliland, geesta kalena ku jira Xildhibaanada Golaha GuurtidaSomaliland ayaa tiriyay hees cusub oo la yidhaahdo Soo Daata. Heestan oo dhawaan lagu luuqayn doono ayaa waxa ay shabakada wararka ee wajaalenews heshay midhaheedii oo dhamaystiran, waxaanay u dhignaayeen sidan.>
Siyaasadii dibadiyo Dalkiyo tii tiil gudaha Dariiqeedii ka baydhay Dagtoo wax isdaba maryaysay Dil iyo dhagar noo horseeday Tashiga duul kula wadaagay *** **** **** Soo doog baan lahaaye Ka sii dar hadii ay ahaatay Dan guud iyo boobisteeda Duul ooman waraabintooda Adoo duma-baa roone Dilaalka badheedhayoow **** *** Dushiinay ceebi taale soo data Kuwii idinkaa ka darane soo data Diir iyo ayax oomanoow ka data
Xilkaanu kuu dooraniyo Dantii Somaliland Dayaysay daryeeli wayday Qabyaaladii daaha qaaday Doc iyo reer-reer istaagtay Shir beeleed dib ugu guurnay
Danqaabadii aad abuurtay Dix iyo ceel lama wadaago Sidaad duulaan tihiin Dalkiyo beeshaba qabsaday Dagmadu tiinii ahayn Hadhuubkiyo doobigii Markaw darandoorideen Dushiinay ceebi timide Soo data Kuwii idinka ka daran soo data Diir iyo ayax oomanoow ka data Dir iyo daabaan gabaay ka daado Waa erayadii Abwaan Jamaac Faarax Axmed (Jaamac Riyo)
COMMENTS
|
LINKS
|
|||||
|