Abwaan Axmed Aw Geedi Oo Ibo Furay Maanso La Baxday Garbo-Diir Oo Uu Ku Dhaliilayo Xukunka Madaxwayne Silanyo,Xilli Uu Jamac Riyo Soo Tumay Hees Uu Sidan Oo Kale Silanyo Ku Dhaliilay Iyo Guluf Sugaaneed Ku Kacay Xukuumadda Silanyo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Abwaan Axmed Aw Geedi Oo Ibo Furay Maanso La Baxday Garbo-Diir Oo Uu Ku Dhaliilayo Xukunka Madaxwayne Silanyo,Xilli Uu Jamac Riyo Soo Tumay Hees Uu Sidan Oo Kale Silanyo Ku Dhaliilay Iyo Guluf Sugaaneed Ku Kacay Xukuumadda Silanyo.
January 18, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(wajaalenews) -Abwaan Axmed Aw Geedi (Dheeraad), ayaa ibo Furay maanso cusub oo la magac baxaday Garbo-Diir, taas oo uu xaflad ballaadhan oo uu Hargeysa ku qabtay ku daah furay Abwaanu waxa uu maansadan Garbo-Diir  ku dhaliilayaa xukuumadda haatan talada dalka haysa isaga oo u soo jeediyay dhaliilo ay ka mid yahiin cadaalad daro,horumar la’aan iyo mid ku durdurisay shacabkii shalay doortay.

Dhinaca kale maansadan uu Abwaan Axmed Awgeedi soo saaray waxa ay ku soo beegmaysaa xilli uu Abwaan Xildhibaan Jaamac Riyo uu soo tumay hees uu midhaheeda dhawaan sameeyay oo la magic baxday iyaduna “Soo daata ayax oomayow”taasi oo uu isla maanta codkiisa ku soo saaray xildhibaanu.waxa ay u muuqataa in ay xukuumadda madaxwayne silanyo haatan ku soo furmayaan badwaynta suugaantu isla markaana ay haatan Abwaaniintii suugaantoodii ku weerarayaan xukunka Silanyo.

Wuxuu geelu dararaa

Markuu guri-san daaqaa

Wuxuu ramadku deexdaa

Marka uu nirgaha dayo

Wuxuu awrku doobyaa

Marku qooq ku dacal dhabo

Wuxuu farasku dananaa

Markuu waagu daalaco

Waxa gabadh la doonaa

Marka guudka loo dabo

Wuxuu geesi diriraa

Markay hiiri damaqdaa

Wuxuu gabay dux leeyahay

Marka loo dareen qabo

Maantana darmaantii

Calan sidaa diyaaroo

Dawineysa heestee

Ka rog dhacanta deyroow

Gudgudaa ka da’ay Hawd

Waqal baa ku maax dumay

Geediga la dalandali

Doog raace reeruhu

La dareeri xoolaha

Kaayaga se daaqiyo

Meeshii degsiimo leh

Dibaa looga celiyaa

Anna waxan la duubnahay

Dareenkayga shidayaa

Dunqulaalshay waa kaa

 

Dantu waxay u baahneyd

Intaan doolka geediga

La dareerin gumarada

Cid horseedka loo dayo

Dantu waxay u baahnayd

Baadida nin deydaya

Ka dib jireyna soo hela

Isku daadaheeyaha

 

Dantu waxay u baahneyd

Duco qabe la mahadshiyo

Odey beela daaje ah

Iyo hanad ma daale ah

Dantu waxay u baahneyd

Door iyo waxgarad haga

Hayin biyo madaadshe ah

Marna geesi daafaca

 

Dantu waxay u baahneyd

Nabarada damqanayaa

Doog iyo ladh keenee

Mid daweeya boogaha

Dakharada sabool dhaya

 

Dantu waxay u baahney

Dihnigii galaydhkiyo

Dareen galaw mid yeeshoo

Daakiraada sara kaca

 

Afartaa dugaagado

Dahab miidhan maw xidhay

Iyo darayo muuskii

 

Rabow waxa I daashadey

Daruur heemaneysoo

Misna aan da’aynoo

Soo haabo diidoo

Samalaho dabayl iyo

Onkod iyo dayaan badan

Oo aan darooreyn

 

Rabow waxa I daashadey

Rati doobta laliyoo

Hadii geela lagu daro

Daruur aan shaf saareyn

Ama qaalmo deer-cada

Weligii dalaan-dalin

La soco…………

 

Hoos Ka Akhriso Midhaha Heestii Jaamac Riyo Oo Iyada Maanta La Soo Tumay.

Siyaasadii dibadiyo

Dalkiyo tii tiil gudaha

Dariiqeedii ka baydhay

Dagtoo wax isdaba maryaysay

Dil iyo dhagar noo horseeday

Tashiga duul kula wadaagay

*** **** ****

Soo doog baan lahaaye

Ka sii dar haddii ay ahaatay

Dan guud iyo boobisteeda

Duul ooman waraabintooda

Adoo duma-baa roone

Dilaalka badheedhayoow

**** ***

Dushiinay ceebi taale soo daata.

 

Kuwii idinkaa ka darane soo data

Diir iyo ayax oomanoow ka daata

Xilkaanu kuu dooraniyo

Dantii Somaliland

Dayaysay daryeeli wayday

Qabyaaladii daaha qaaday

Doc iyo reer-reer istaagtay

Shir beeleed dib ugu guurnay

Danqaabadii aad abuurtay

Dix iyo ceel lama wadaago

Sidaad duulaan tihiin

Dalkiyo beeshaba qabsaday

Degmadu tiinii ahayn

Hadhuubkiyo doobigii

Markaw darandoorideen

Dushiinay ceebi timide Soo daata

Kuwii idinkaa ka daran soo data

Diir iyo ayax oomanoow ka data

Dir iyo daabaan gabaay ka daado.

WAJAALENEWS DESK

COMMENTS
LINKS