|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukumadda DJabuuti Oo Ganacsade Jaamac Omaar Ku sii Daysay Shuruud Adag
December 9, 2013 - Written by Wariye:Hargeysa-(Wajaale News)-Xukumada wadanka Jabuuti ayaa Axadii shalay ka sii daysay Xabsigeeda Ganacsade Jaamac Omaar oo mudo saddex todobaad ku dhow ku xidhnaa Magaalada Jabuuti.Ganacsadaha ayaa lagu soo eedayay arrimo la xidhiidha ganacsi sharci darro ah oo uu soo geliyay wadanka Jabuuti iyo kulamo uu la yeeshay Ganacsadaha weyn ee mucaaridka ku ah Ismaaciil Cumar Geele, ee Cabdiraxmaan Boore kuwaasi oo uu dibeda kula yeeshay kulamo Sii daynta Ganacsade Jaamac Omaar ayaa socotay mudo dhowr todobaad ah iyada oo ay halkaasi tageen 12 Suldaan oo ka tegay Magaalada Hargeysa. Si ay dawlada Jabuuti uga Ergeeyaan sii dayntiisa maadama oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo Somaliland. Kulamada ay la yeesheen madax dhaqameedka Somaliland saraakiisha Jabuuti ayaa la isku afgaran waayay dhowr jeer, balse ugu dambayntii sida ay sheegayaan wararka iyo xogaha la xidhiidha arrintan ganacsade Omaar waxa lagu sii daayay xukun aan Maxkamadi ku ridin oo lagu ganaaxay in uu bixiyo lacag gaadhaysa 10 Million oo Dollar, waxana ugu dambayntii xorriyadiisa loo soo celiyay Ganacsade Jaamac Omaar axadii shalay, ka dib markii uu aqbalay in uu bixiyo Ganaaxa, Maaha markii ugu horaysay ee xukumada Jabuuti ee uu madaxda ka yahay Ismaaciil Cumar Geele uu sidan oo kale cadaadis kula kaco Ganacsato asal ahaan ka soo jeeda Somaliland, balse ka diwaan gashan dalka Jabuuti kuwaas oo ganacsi ku leh mandaqada.
Markii ay tageen ayay bilaabeen in ay kulamo kala duwan yeeshaan madaxda kala duwan ee wadankaasi kuwaasi oo rabay in ay ku qanciyaan in Jaamac Omaar xabsiga laga sii daayo isla markaana laga joojiyo dhamaan dacwadaha lagu soo oogay, hasa yeeshee madaxda wadanka Jabuuti ayaa in badan ka cago jiiday. Wajaale News
|
LINKS
|
||||
|