|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Macdanta Oo Sheegay Inaanu Sharcigu Dhigayn In Golaha Wakiiladu Ansixiyo Heshiisyada Ay Galaan, Sheegayna In Shirkada Genel Dib Uu Bilaabayso Hawlihii Sahaminta+Ciidamo Gaar Ah Oo Ay Xukuumadu U Diyaarisay Amniga Shirkada.
December 26, 2013 - Written by Wariye:Hargeysa(Wajaale News):-wasiirka wasaarada macdanta iyo tamarta Somaliland Xuseen Cabid Ducaale ayaa markii ugu horaysay daboolka ka qaaday in shirkada Genel Energy ay si rasmiya u bilaabi doonto hawlihii sahaminta shiidaalka ee ay dalka ka waday. Wasiirka wasaarada macdanta iyo tamarta Somaliland waxa uu sheegay inay xukuumadu balan qaadayso amaanka shaqaalaha shirkada Genel isaga oo sheegay inay xukuumadu diyaarinayso ciidamo gaar ah u ilaalinta amaanka shaqaalaha iyo goobaha laga wado sahaminta shiidaalka. Sidoo kale wasiirka wasaarada macdanta iyo tamarta Somaliland waxa kale oo uu ka war bixiyey shuruucda dalka uga taala hawlaha sahaminta shiidaalka isaga oo sheegay in shuruucda wakhtigan u taala dalku aanay marna sheegaynin in golaha wakiiladu ansixiyo heshiisyada debada ee ay xukuumadu gasho isaga oo taas badalkeedana sheegay inay ansixinta heshiisyadaas leeyihiin golaha wasiirada Somaliland waxaanu yidhi ?Haddii aan ka hadlo heshiisyada aanu la galnay shirkadaha ee hadal hayntoodu hadyo jeer soo noq noqoto ee la leeyahay maxaa loo gayn waayey baarlamaanka, anigu waxaan leeyahay wax baqasho ah oo aanu ka qabno inaanu heshiisyadan u gudbino baarlamaanka ma jirto, laakiin waxa jira hab kaas oo ah in shuruucda inoo dejisan wakhtigani ay ku suntan tahay in wasiirka wasaarada macdanta iyo tamartu hormood ka ah, laakiin haddii debadeed yimaado oo shiidaal baadhis ah ama macdan baadhis ah waa in golaha wasiiradu ansixiyaan meel ay kaga taalo waa inay golaha wakiiladu ansixiyaan ma jirto waana sharciga imika inoo yaala, shuruuc cusub ayaanu rabnaa imika inaanu samayno haddii ay jirto shuruuc kale oo sheegaysa inay baarlamaanku ansixiyaan waa in shir gudoonka soo gudbiyo oo uu yidhaahdo shuruucdaas ayaa dhigaysa inaanu ansixino.? Ayuu yidhi wasiirka macdanta iyo tamarta Somaliland.
Wajaale News COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|