WAR DEGDEG AH- Raysal Wasaaraha Soomaliya Oo Go? aan Kasta Oo Uu Soo Saaro Baarlamaanka Soomaaliya Ku Tilmaamay Mid Malo Awaal Ah Oo Sharci Ahayn | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
WAR DEGDEG AH- Raysal Wasaaraha Soomaliya Oo Go? aan Kasta Oo Uu Soo Saaro Baarlamaanka Soomaaliya Ku Tilmaamay Mid Malo Awaal Ah Oo Sharci Ahayn
December 1, 2013 - Written by editor

 

Hargeisa -(WJN)-Sidaana waxa ku sheegay Shir Jaraa´id oo uu Raysal Wasaare Saacid goor dhawayd Ku qabtay xafiiskiisa

Hargeisa -(Wajaale-News)- Raysal Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo goor dhoawayd shir jaraa´id oo ku qabtay Xafiiskiisa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in eedeymaha mooshinkaka dhanka ah  xukuumadiisa ee loo soo jeediyay ay xaq u leedahay inay iska difaacaan, waxaanu mar Raysal Wasaaruhu mar  labaad ka codsaday baarlamaanka Soomaaliya in ay siiyaan fursad uu iskaga difaaco eedaymaha loo soo jeediyay, waxaanu si cad u sheegay in go´aan kasta oo uu gaadho baarlamaanka isaga oo ka maqan in uu yahay mid riyo ah oo mala awaal ah.

Shirkan Jaraa´id ee uu goorta dhawayd xafiiskiisa ku qabtay Raysal Wasaare Saacid, ayaa ka danbeeyay go?aankii ay xildhibaanadda baarlamaanka Soomaaliya ay u codeeyeen ee ay kaga mamnuuceen raysal wasaaraha in uu hor yimaado

baarlamaanka oo hada ka doodaya kalsooni kala noqoshada xukuumadda raysal wasaare saacid, waxaanu yidhi Raysal Wasaare Saacid.

“Eedaymaha mooshinkn ka dhanka ah xukuumadda aan raysal wasaaraha ka ahay ee lagu dhudhuminayo kalsoonida xukuumadda, ma aha kuwo xaqiiqda dhabtaa ku salaysan, waana mid ay ka madhan tahay xog-ogaalnimadii rasmiga ahayd, sidaa awgeed si waafaqsan cadaaladda dabiiciga ah (Natural Justice) iyo shuruucda wadankaba, waxay xukuumaddu diyaarisay qoraal waafi ah ee ay uga jawaabayso dhamaan eedaymaha loo soo jeediyay, oo keeni kara qaneecaad iyo kalsooni dhisid buuxda”.

Wax kale oo yidhi Raysal Wasaaruhu isaga oo codsi u sitraya baarlamaanka

“Xukuumad ahaan waxaan golaha baarlamaanka ee sharafta leh mar labaad ka codsanaynaa in naloo ogolaado fursad nalagu dhagaysto si aan isaga difaacno eedaymaha naloo soo jeediyay”

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod ay qaadeen gaashaanka ku dhuftay in Raysal Wasaarahu uu hor yimaado baarlamaanka oo ka doodaya mooshin issaga ka dhan ah, halka qaar  kale oo tirsan xildhibaanadu ay shrci daro ku tilmaameen in raysal wasaaraha loo diido in uu iska difaaco eeedaymahan loo soo jeediyay, waxaanay Xildhibaanaddani ku doodeen in mooshinkan kalsoonida lagala noqonayo Raysal Wasaaraha Soomaliya, waxaanay ku sheegeen in aanu mooshankani ahayn mid ka soo go?ay xildhibaanadda, balse uu yahay sida ay sheegeen mid si gaar loo soo abaabulay oo uu ka danbeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

WAJAALE NEWS DESK

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS