WAJAALE NEWS

Waftigii Sallaxley Tegay ee Madaxtooyadu ma Onkod Karameed buu ahaa?

Waftigii Balaadhna ee lahaa wasiiro, madaxtooyo iyo marwooyinba ma ONKOD KARAMEED iyo SAYAX ayey Salaxley ku noqdeen.

HARGEISA(WAJAALENEWS)Waxaynu la soconaa in uu wafti culus oo ay hogaaminayso marwadda Madaxweynuhu Marwo Amina Waris (Illahay cimri khayre iyo Caafimaad ha siiye) ay tegeen 17/12/2013 degmadda Sallaxley si ay uga qayb qalaan Munaasabad qalab caafimad iyo gadiid uu leyahay dhakhtarka Salaxley oo ay ku deeqday Bisha Cas ee Imaaraadku.

Ka dib markii waftigu uu ka soo noqday Sallaxley waxaa lays weydiiyey suaalo badan oo ku saabsan miisaanka waftiga iyo maxsuulkiisii, waxaana suaalaha ugu muhiimsanaa ladan suaaalood.

Maxay ahayd Marinka Munaasabadu? Maxaase laga filaayey waftigan?

Haddii aan ta hore ka jawaabo munaasasbadu waxay ahayd gudoomashadda iyo wareejinta Caawimaddii hadhsanayd (qaybtii labaad) ee Bisha Cas ee Imaaraadka ee loogu deeqay Dhakhtarka Salaxley ee ay dalbadeen Hablaha Gaaroodi ee dhisay Dhakhtarka Salaxley ee uu Soo dhameeyey AHN marxuum Awil Cabdiraxmaan (oo aan anigu isku xidhay una qoray dalabkii hordhaca ahaa) isaga iyo Hablaha Gaaroodi.

Qalaabkaasi dalabkiisa waxaa la bilaabay intii uu dhismaha Dhakhtarku socday oo dhaqaalahiisa ay hablahu iska ururiyeen. qalabkaasi wuxuu ka koobnaa wixii uu dhakhtar Hooyo iyo caruuri u baahnayd oo dhan ilaa Ambulance ka.

Waxaa habluhu heshiis la galeen Wasaaradda caafimaadka in ay wasaaraddu la wareegto dhamaan dhakhtarka markuu dhamaato dhinaca dhakhaatiirta, dawooyinka iyo maamulka dhakhtarka oo uu ahaado dhakhtar u tirsan wasaaradda Caafimaadka dhankastaba oo ay degmadu leedahay.

Sidaa daraadeed waxay ahayd in qaybtan ugu danbaysay ee baahitirka dhakhtarka in ay la kala wareegaan Bisha Cas iyo Hablaha Gaaroodi marka hore, ka dibna habluha Gaaroodi ku wareejiyaan Masuul sare oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka (oo u dhigma waftiga meesha maraya) dhamaanba agabka Bisha Cas keetay oo ay wasaarada rejisterkeeda galaan daawo, qalab iyo Gadiidba sidii qaybahii hore loogu wareejiyey.

May ahayn in Bisha casi ku wareejiso Marwadda Madaxweynaha iyana ku wareejiso reer Salaxley ama degmada oo ay soo kala dhexgasho wasaaradii caafimaadka iyo degmadii.

haddaba waxay ahayd oo laga filaayey waftigan balaadhan seddex arimood oo kale ah waa ta koowaade in ay ay Marwadda Maddaxweynuhu keento dhaqaalahii dayrkii dhakhtarta ee ay socdaalkeedii hore ee Marwadda iyo Madaxweynuhu ay dhagaxdhigeen balanna qaadeen in ay dhisayaan iyo ta labaad oo ah in ay sharaf iyo maamuus u ahaato in ay goob joog ka ahaato deeqdaa lala kala wareegaayo. hadaba waxaynu saxaafadda ka akhrisanay in in ay Marwo Amina Weris ka gudoontay Agabkii iyo Ambalance qiimahoodu yahay US Doolar 80,000 Bisha Cas kuna wareejisay degmadda iyo in ay ku deeqday 50 Buste taana loogama fadhiyin hadaanay saxafadu ka beensheegin.

Ta saddexaad ee looga fadhiyey waftiga gaar ahaan wasaaradda waxbarashadda in ay dhaqan geliso codsigii ahaa in ay la wareegaan boodhinka Sallaxlay kharashiyaadkiisa joogtadda ah taas oo bedelkeeda saxaafadda aan ka akhrisanay in uu Madaxweynu ku deeqay US Doolar 3,000 lagu kaabo kharasha boodhinka ( miyeyna u muuqan deeq shakhsi ah oo mar le ah) halka ay bil walba iskuulka ku baxdo 2500 US Dollar oo Gaaroodi Bixiyo.

Haddaba markaynu eegno baahadda waftiga iyo mujtamaca meesha iskugu yimid ma u qalantaa deeq shakhsi oo ah 50 buste iyo US Doolar 3,000 iyo hab maamulkii jaran jaro ee wasaaradda Caafimaadka oo la baalmaray.

Haddaba ma saxafadda ayaa si khaldan wax uga sheegtay waftiga mise wakhtigaa indho sarcaad dhigayey, Kolayba mar aan la Xidhiidhay Ceelkii Hargeysa dadku waa yaabanaa.

M. Arrale
arrale3@yahoo.com

Exit mobile version