|
|||||
WAJAALE NEWS
Shaqaalihii Tallaalka Dabaysha Ku Hawlanaa Oo Ha?yadda UNICEF Iyo Wasaarada Caafimaadka Ku Edeeyey In Ay Lacagtii Shirqool Kaga Qaateen.
December 18, 2013 - Written by Wariye:Hargaysa(Wajaale News):-Shaqaalihii qaaday Tallaalka Gobalka Maroodi-jeexy, ayaa cabasho weyn ka muujiyay lacagtii ku shaqaynayeen oo ay dhacday ha?yadda UNICEF iyo wasaaradda caafimaadka Somaliland, isla markaana waxa jawaab ka bixisay eedahaas loo soo jeediyay Wasaaradda caafimaadka. Qaar ka mid ah Shaqaalihii kaShaqaalihii Tallaalka dabaysha u dambeeyay qaaday oo ku Eedeeyay Ha?yadda UNICEF iyo Wasaaradda Caafimaadka inay ka dhaceen lacagtii.
Anaga ayay Ummaddii nahaysataa oo ay naleeyihiin lacagtii aad nagu hawl-galiseen meeday oo idinka ayaa cunay ee natilmaama, waxaanu u sheegnaa in lacagtaas UNICEF dhacday iyo Wasaaradda Caafimaadka. Markii aanu aragnay Agaasimihii guud waxa uu nagu yidhi markaanu u tagnaba wiig ayuu noo qabanayaa, markaa dhalinyaradii shaqaynaysay waxaanu u sheegaynaa innaanu arag lacagtaas oo aanu qaadan. Waxay lacagtaasi ku maqan tahay wasaaradda Caafimaadka iyaguna waxay naleeyihiin lacagtii UNICEF ayay ku maqan tahay oo run iyo been waxay noo sheegayaan garan mayno.
Waxaanu xukuumadda ugu baaqaynaa in ummadda intay shaqada dhamayn dhididkooda farta laga saaro oo UNICEF ayaa dhalinyaradii u shaqaynaysay markasta waxay ka dhacdaa lacagtii yarayd ee ay ku shaqaynayeen. Dadkan tallaalka ka shaqaynaaya wax allaale iyo wax ay ku shaqaynayaan ma garanayaan, waxaana bulshada ugu baaqayaa inay dib uga joogsadaan ilaa waxooda la siiyo inay wax shaqo ah u qabtan UNICEF oo aanay dib ugu noqon wixii maanta ka dambeeya.
Qofkiiba maalintii waxa uu ku shaqeenayay $ 10 Dollar oo dadka lacagtu ay ka maqan tahay malintii waxay ku shaqaynayeen $10. Hadda waxaanu ognahay in dadka ay lacagtu ka maqan tahay gaadhayaan 320 qof ayaa Gobalka Maroodi-jeex uga qayb-galay oo intaas oo dhan waxa ka maqan lacagtii. Waxaana ka daran gaadiidkii qaaday tallaalka oo aan helin lacagtoodii. Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waxaanu ka codsanaynaa inay wax ka qabtaan musuq-maasuqa ha,yadda UNICEF. Hargaysa Office COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|