Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada Booliska iyo Maxaabiis U Goostay Dhinaca Garoowe | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada Booliska iyo Maxaabiis U Goostay Dhinaca Garoowe
December 31, 2013 - Written by Editor:

Ma jiro war faahfaahsan oo ka soo baxaya Baxsadka Taliyahaasi iyo Maxaabiistii la socotay balse wararka ay wajaalenews helayso

Laascaanood (wjn) Taliyihii Xabsiga Magaaladda Laascaanood Cabdi Nuur Aadan iyo tiro maxaabiis ah ayaa la sheegay in ay u baxsadeen dhinaca Maamulka Puntland.

Maxaabiistan oo ku xidhnayd xabsiga Magaaladda Laascnood oo loo haystay in ay galeen dambiyo kala duwan ayaa lagu soo waramayaa in ay gaadheen Magaaladda Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland.

Ma jiro war faahfaahsan oo ka soo baxaya Baxsadka Taliyahaasi iyo Maxaabiistii la socotay

balse wararka ay wajaalenews helayso ayaa sheegay in ay go?aan ku gaadheen sidii ay uga firdhan lahaayeen deegaankaasi isla markaana u geli lahaayeen dhinaca Maamulka Puntland.

Si kastaba ha ahaatee dhacdadan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee ka dhacda Magaalada Laascnood oo ee Gobolka Sool

WAJAALENEWS DESK

COMMENTS
LINKS