Munaasabad Lagu Taageerayo Dooda Qaran Oo Lagu Magacaabay Gudidda Cusub ee Xisbiga Waddani laanta Turku ee Wadanka Finland Oo Ka Dhacday Magaaladaas | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Munaasabad Lagu Taageerayo Dooda Qaran Oo Lagu Magacaabay Gudidda Cusub ee Xisbiga Waddani laanta Turku ee Wadanka Finland Oo Ka Dhacday Magaaladaas
December 10, 2013 - Written by Wariye:

Turku(Wajaale News):-Munaasibad balaadhan oo ay soo agaasimeen xubnaha kala duwan ee xisbiga Waddani laantiisa Turku ee wadanka Finland ayaa waxay maanta ka dhacday magalada Turku.
Munaasibadan oo ahayd mid lagu taageerayey dooda qaran sidoo kalena lagu dooranaayay gudidda cusub ayaa waxaa ka soo qayb galay xubnaha sar sare ee xusbiga Waddani ee wadanka Finland.

Displaying 4.jpg
Xubnahaas oo oo hugaaminayay gudoomiyaha xisbiga Waddani ee wadanka Finland Cabdiraxmaan Ibraahim Cartan ayaa waxaa madasha hadalka lagu furay quraanka kariimka ah oo uu ku furay shiikh Cabdi kariin Idiris Xirsi oo k tirsan culumadda xisbig Waddani, intaa kadibwaxaa waxa bilaamatay munaasabada oo daadihinayay mudane Maxamed Cabdi Qoosh waxaa uu hadalka kusoo dhaweeeyay Eng Jamaal Cabdilaahi Xasan oo goobta ka jeediyay hadalo mahiim ah waxaana hadaladiisa ka mid ah in xisbiga waddani ay mahiim tahay in aduunka ku yeesho laamo badan si xisbiga loo gaadhsiiyo ujeedadiisa dhamaan dadka reer somaliland ee ku dhaqan aduun weynaha.
Waxa kale uu Eng Jamaal Cabdilahai Xasan sheegay in magalada Turku laga asaasay xisbiga bilaawgii sanadkana 2013 hadana la balaadhiyay xisbiga Waddani maamulkiisa sababtoo ah waxaa jooga dad tiro badan o xisbiga taageera .

Displaying 1.jpg
Waxaa isna hadalka la wareegay oo lagu maamusay odey Faarah oo runtii si waayo aragnimo iyo cilmiyaysan uga hadlay xisbiga iyo Somaliland guud ahaanba waxuu odey Faarah yidhi ,dhamaantiin waxaad tihiin Somaliland waxaa mahiim ah in aad isku duubnaataan kiina saxsana aad garabgashaan kiina khaldana aad qabataan, waxuu kale oo odey Faarah hadalkiisa ku daray waad og tihiin, waxay somaliland soo martay in la ilaaliyana waa mahiim waayo waa tacabkeenii waa dadkeenii waa dalkeenii waa in aynu ku dhaqaaqnaa horumar iyo walaaltinmo iyo jacayl aan hagrasho lahay .

Displaying 2.jpg
Intaa ka dibna waxaa isna goobta ka hadlay Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada Ee Xisbiga Suldaaan Siciid Axmed waxaana hadaladiisa ka mid ahaa in uu isbuucan ka yimid wadankii uuna soo arkay waxyaabo badan oo u baahan in wax laga qabto sida shaqo la’aanta dhalinyarada heeysata, wuxuu sidoo kale Suldaan xusay in dadka dibadu ugu jiraan kaalin lixaadleh Xisbiga Waddani hadeey noqoto ineey fikirkooda ama maalkoodaba ku taageeraan, sidaa darteed loo diyaar garoobo doorashooyinkii, xisbiguna soo dhaweeyniyo cidkasta oo jecel mustaqbalka Somaliland.
Sidookale wuxuu sheegay Suldaan in dalku u baahan yahay is badal, waxaanu dhaliil huwiyay xukuumada hada talada haysa ee xisbiga Kulmiye, oo aan noqon sidii laga filiyey iyo si udhow intaa ka dib waxaa uu munaasabadaa Gudoomiyaha Waddani ee Finland Mudane C/raxaan Ibraahim Cartan uu magacaabay musuuliyiinta cusub ee xisbiga Waddani laantiisa Turku oo u dhacday sidatan

1. Gudoomiye Axmed Cabdilaahi Khaliif

2. Gudoomiye ku xigeeen Eng. Jamaal Cabdilaahi Xasan

3. Qasnaji Maxamed Cabdi Jamac

4. Afhayeenka xusbiga wadani laantiisa filand nuux maxamuud axmed .

Gudoomiyaha xisbiga Waddani ee Finland mudane Cabdraxmaan Cartan isagoo hadalkiisa sii watana waxuu ku nuux nuuxsaday dhaliisha xisbiga talada hada haya isagoo ku tilmaamay in shirka qaran ee xisbiyadana ku baaqeena uu yahay muhiim, waxa kale oo sheegay in Somaliland ay u baahan tahay Waddani oo ah xisbi waxtar u leh umada Somaliland.
Kadibna waxaa hadalka la wareegay gudoomiyaha cusub ee xisbiga Waddani ee Turku loo doortay mudane Axmed Cabdilaahi Khaliif isagoo sheegay in xukuumada uu badali doono xisbiga Waddani waayo buu yidhi xukuumadu may buuxin waxii laga rabay waxaana buuxin doona xisbiga Waddani mudane Axmed waxuu ka sheekayay ahmiyada xisbiga Waddani ay u leeyahay bulshada Somaliland aad na xukuumada u dhaliilay ,waxaa isna hadal goobta ku daray Maxamed Cabdi Jaamac isoo sheegay in xukuumadu ay wax qabatay laakiin xusbiga wadani uu dhaafindoono halkay maanta Somaliland joogto .
Waxaa isna goobta ka hadlay afhayeenka cusub ee xisbiga Waddani laantiisa Turku Nuux Maxmuud Axmed waxuuna Nuux hadalkiisa ku biilaabay in uu gudoomeen dhamaan xilkii loo wada magacabay waxuuna yidhi waanu gudoonay xilalka aad noo magacowdeen aniga iyo saaxiiibaday waxaanu Nuux sheegay in xisbiyada iyo axsaabtu tahay mahiim duniduna ay inagu qiimeenayso isago waxuuna hadalkiisa ku gabagabeeyay in aynu dhamaan u wada shaqayno Somaliland waa mahiim intaa ka dib waxaa xaflada soo xidhay gudoomiyaha cusub ee laanta Turku Mudane Axmed C/laahi Khaliif.

Afhayeenka Xisbiga Waddani

laanta Turku Finland

Mr Nuux Maxamuud Ahmed

Wajaale News

Hargaysa Office

Info:wajalenews@gmail.com

Reporter:Abdiqadi Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS