“Midawga Yurub Ma aaminsana Xukuumada Musuqu Ragaadiyay Ee Muqdisho” Midawga Yurub. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Midawga Yurub Ma aaminsana Xukuumada Musuqu Ragaadiyay Ee Muqdisho” Midawga Yurub.
December 15, 2013 - Written by Wariye:

midowga yurubHargaysa(Wajaale News):- Beesha caalamka ayaa ka aamin baxday dawladda taagta daran ee Soomaaliya, waxaanay warbixinaha soo baxayaa sheegayaan in aanay dawladaha caalamka, QM iyo Midawga Yurub midna wax aaminaad ah ku qabin dawladda Muqdisho, ayna ku darsatay taag daridii musuq ku baahay hay?adaheeda u sarreeya.

Haddaba maqaal dheer oo uu ka qoray dhawaan qoraaga caanka ah ee Cabdicasiis Al-Muteyri ayaa faahfaahin ka bixiyay warbixinahaasi sida ay u iftiimiyeen musuqmaasuqa daashaday Soomaaliya.

Waxa kale oo uu barbar dhigayaa sida ay Somaliland uga badbaaday masiibada hadhaysay Soomaaliya.Waxaanu soo qaadanayaa horumarka ka socda Somaliland, maqaalka C/casiis ayaa u qoraa sidan:

Midawga Yurub ma aaminayso xukuumadda musuqu rogaadiyay ee Muqdisho,? sidaa waxa yidhi komishanerka EU.

Soomaaliyadii Talyaanigu gumeysan jiray waa dawladda ugu musuq badan dunida, sidaas waxa sheegtay warbixintii ugu dambaysay ee ay soo saartay hay?adda ilaalaysa musuqmaasuqa ee caalamiga ah.

QM iyo Midawga Yurub waxa ay isku dayayaan inay ku dhigaan baal madaw musuqa Soomaaliya.

Warbixinaha ayaa tooshka ku ifinaya dhamaan hababka musuq ee ka jira dhinacyada siyaasadeed, maaliyadeed, waxbarasho, maamule iyo xataa xadgudubyada binu?aadamnimo ee ka dhanka ah aqaliyada.

Hab siyaasadeedka Soomaaliya waa mid musuq daashaday oo ku salaysan qabiil, waxaana dhawaan iscasishay guddoomiyihii bankiga dhexe ee Soomaaliya Ms Yusur Abraar, ka dib markii madaxweynaha Soomaaliya Mr. Xasan Sheekh cadaadis ku saaray inay saxeexdo lacago sharci darro ah; mana jirto xorriyad saxafadeed, xitaa bulshada caalamka ayaa iskeed u maamulata kaalmada dhaqaale iyada oo aanay wax saamayn ah ku lahayn dawladda Soomaaliya.

Mareykanka iyo Talyaaniga oo mushaharooyinka milateriga iyo booliska masuul ka ah ayaa dawlad kasta oo labadan ka mid ahi waxa ay u soo dirataa wakiil ay iska leedahay Muqdisho si ay ugu qeybiyaan si toos ah askarta oo gacan ka gelin ah, sababtuna waa iyada oo aanay labada dawladoodba aaminsanayn xukuumada Muqdisho.

Afhayeenka Midawga Yurub ayaa dhawaan cadho ka muujiyay eedaymo ay wasiiradda arrimaha dibada Soomaaliya Ms. Foosiya Aadan u jeedisay Eu oo ahaa in aanay maaligalin siin dawladda Soomaaliya.

Hadalka Ms. Foosiya Aadan waa mid aan dhab ahayn, waxaana EU ahaan ku gargaarnaa malaayiin doolar Soomaaliya. Haddiise ay Foosiya u jeedadeedu tahay in Midawga Yurub aanu si toos ah gacanta uga gelin dhaqaalaha dawladda dhexe ee Soomaaliya . taasi waa sax sababta oo ah Midawga Yurub ma aaminsana xukuumadda musuqu rogaadiyay ee Muqdisho, ayuu yidhi Afhayeenka EU oo ka jawaabayay eedaymaha Foosiya.

Dawladda Muqdisho waa dhalanteed aan jirin, ma xukunto meel ka baxsan Muqdisho, ma siiso wax adeeg aasaasi ah muwaadiniinteeda, mana ilaaliso.

Ciidamada Midawga Afrika (AMISOM) ayaa dagaal kula jira Al shabaab. Balse wax dagaal ah kuma jiraan maleeshiyada la qarameeyay ee dawladda Soomaaliya kuwaasi oo lagu magacaabay milateriga qaranka Soomaaliya.

Afhayeenka rasmiga ah AMISOM Mr. Cabdi oo ka tirsan ciidamada Jabuuti ayaa ku dhaleeceeyay inay yihiin milateriga Soomaaliya kuwo aan lahayn wax anshax ah, isla markaana aanay doorkooda ka qaadan dagaalka.

Milateriga Soomaaliya waa bilaa anshax, waana musuqmaasuq, mana awoodaan inay xukumaan meelaha laga xoreeyay Al Shabaab.

Waxaanu intaa sii raaciyay ?Milateriga Soomaaliya waxa ay hubkii beesha caalamku siiyay ka sii iibinayaan kooxda argagixisada Al Shabaab.

Al shabaab waxa ay laaluushaan milateriga iyo saraakiisha amniga Soomaaliya, taasi oo keentay galdaloolooyinn amaan darro oo khatar ahaa oo ay ku jireen qof isku qarxiyay Villa Soomaaliya oo ahaa mid ay dhawaan qoratay NSS-ta Soomaaliya.

Tusaale kale ayaa ahaa dhacdadii maxkamadda sare ee Soomaaliya, halkaasi oo ay amnigu banneeyeen boosaskoodii, taasi oo u saamaxday xubnihii Al shabaab inay galaan dhismaha maxkamadda.

Musuqmaasuqa ayaa iyana ku baahay baarlamaanka iyada oo uu madaxweynuhu ku laaluushay xildhibaankiiba 20,000 oo doolar si ay u ridaan ra,iisalwasaare Saaciid. Tani waa sida ay u shaqeyso siyaasadda Soomaaliya- laba mid ahaan, lacag ama qabiil.

Deeqaha waxbarashada dawladda ayaa u maamushay hab qabiili ah, taasi oo ku keliftay dawladda Turkigu inay u soo dirtaan wakiiladooda si ay imtixaanka uga qaadaan ardayda Soomaalida.

Waxaana lagu soo saxay imtixaankii Turkiga, kadibna waxa natiijadii lagu soo diray Online. Tanna waxa ay muujinaysa sida looga aamin ka baxay dawladda Muqdisho.

Dhinaca kale, warbixinta Cabdicasiis Al-Mutair, waxa ay wax ka qortay xaaladda dhiggeeda ah ee Somaliland oo ay muujisay sida ay uga duwan tahay ugana horumarsan tahay Soomaaliyada musuqu dishooday.

Bulshada caalamku waxa ay ku shubaysaa balaayiin doolar inkasta oo ay warbixinahaas oo dhan ee musuqa iyo eedaymaha ahi ka soo baxayaan soomaaliya, waxaanay iska dhega marinayaan qaramada horumarku ka socdo sida Somaliland.

Somaliland waxa ay samaysatay oo ay iskeed kaalin aan la loodin karin ka qaadatay la-dagaalanka argagixisada, amniga iyo horumarka dhaqaale.

Warshadaha Somaliland waxa ay wax soo saarkooda u gudbiyaan bariga Itoobiya, Djibuuti iyo Soomaaliya. Waxa ay dhisatay waddooyin, biriijyo, waxaana adeegyada bulshada ee ay ku jiraan caafimaad bilaa lacag ah iyo waxbarasho u fidisaa muwaadiniinteeda.

Somaliland waxa ay gaadhay dimuqraadiyad hana qaaday iyada oo aan helin taageero dibadeed, waxaanay kasbatay kalsooni caalami ah.

Somaliland waxa ay leedahay komishan la dagaalama musuqa iyo xafiis hanti dhawr. Saraakiisha sare ee Somaliland waxa ay ku dhawaaqaan hantidooda ka hor intaan la dhaarin. Baarlamaanka la doortey ayaa ansixiya saraakiisha dawladda.

Sannad kasta, madaxweynaha Somaliland waxa uu khudbad uga jeediyaa baarlamaanka xaaladda uu ku jiro dalku.

Hargaysa Office
Wajaale News
Email.habane00@gmail.com
Wariye:Ayaan Xuseen Caynaan

COMMENTS
LINKS