Maxkamada Sare Oo Warqad Lagu Hakinayo U Gudbisay Golaha Wakiiladda Iyo Gudomiye Cabdidraxmaan Ciro Oo Digniin Ugu Jawaabay Cidii Ka Dambaysay Warqada Maxkamadda.
December 22, 2013 - Written by Wariye:
Markii ay Soo Gaadhay Warqadaasi Gudoomiyaha maa uu dheg jalaq u siin fariinta ay warqadaasi xambaarsanay,isla markaana waxa ay Goluhu iska sii wateen shaqadoodii,ayadoo uu Gudoomiyuhu Gaba-gabadii Golaha u sheegay in uu hayo warqad ka soo gaadhay maxkamada sare oo lagu hakinayo kalfadhiyada Golaha taasi oo uu ugu jawaabay digniin isla markaana waxa uu sheegay in aanay jirin cid is hortaagi karta cod ay gaadheen Golaha wakiiladda oo ah Golihii sharci dajinta,waxa uu Gudoomiyuhu intaasi raaciyey in ay ka waantoobaan dadka arrinta dabada ka soo riixaya oo u muuqata in uu ula jeedo madaxtooyada Somaliland.
Fadhigan maanta ee Golaha waxa maalintii labaad aan soo xaadirin labadii Gudoomiye ku xigeen oo ay madaxtooyada ka irdhaysay Golohoodii,in kasta oo uu maanta Joogay xarunta Golaha Gudoomiye Ku Xigeenka labaad Dr Cali yuusuf hadana ka muusoo bixin xafiiskiisa Gaarka ah oo uu hoosta ka soo xidhay.