|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Kumee!!!; qalinkii faysal cumar madar(faysalqumuj)
December 29, 2013 - Written by Editor:Bismillaahi waa kow, Qur’aankay bud-dhig u tahay. Nin lagu jiroba Allaa og’e rabboow khaatumada kheyr nooga dhig, Sannadahan is-weydaaranayana [2013-2014] harraatidooda iyo hir-diddooduba deyran. Hor iyo horaanba aan idhaahdo bishan gebo-gabada u ah sanadkan gal-banaya [December], waxay ku suntan tahay xusuuso is hareero socda iyo dhacdooyin Garbo siman ka dhigay gobollada dalka min galbeed ilaa Bari, Ka soo bilow Selel, Gabiley, Hargeysa, Saaxil iyo Tog-dheerba. Dhammaantoodba Gobolladani waxa December oo Keli ah ka daarmay Kacdoonno naf iyo maalba khasaare dhaliyey oo bulshadu farriin ugu dirtay xukuumaddan Mujaahidku Hoggaaminayo. Taas ka sokow, arrimaha dibedda lafteeda waxa December lagu xasuusan doonaa dagaal dublamaasiyadeed oo uu huriyey Nin wakiil ka ah UN-ta aan qirsanayn qarannimada ummaddan oo fadhiya Bakaaraha Muqdisho, kuye; ‘reer Somaliland waxay in yar u jiraan inay dimuquraadiyadii dib u cunaan isagoo god-dalooladdeena ka duulaya’. Arrintaasna waxaa kale oo ka daba timi kooxo Saaxiib innala ah oo inagala shaqeeya iib-geynta qaddiyaddeena iyo Madax bannaanida qarankeena, waa Somaliland focus oo iyadu warqad furan u soo dirtay Madax-weyne Axmed-Sillaanyo, taasina waxa ay marag u noqotay ninkaa Ingiriis ee Xamar jooga. Qoddob xusid mudan ayaa isaguna jira, waa murano sharci oo ka dhex ooggan golayaasheena. Si kale haddii aan u dhigo waa khilaafaad sharci oo xukuumadda loo tiriinayo inay qalin-daartay rukummada Saddex xagalka ah ee qaranku ku taagan yahay, waa Golihii Sharci-dejinta iyo Hay’addii Garsoorka u sarraysay oo labadoodaba ay xukuumaddu gaadhay heer ay saxaafada ay kawada hadlaan, taasina ay khalkhal rajo xumo ku abuurtay dadkii. Kadaryoo haddana waxa isla bishan dhacay!, waa go’aamo is burinaya oo kasoo baxay Xisbul-xaakimka, Xukuumadda, Guurtida iyo dabcan axsaabta mucaaridka, kuwaas oo kellifay in shacabku layaabo sida wax u socdaan ama xukuumadu wax u waddo, waayo waxa hal habeen saxaafadda ka wada socday guddoomiye Saleebaan Gaal oo leh ‘waanu dhammeynay khilaafkii Madasha Wadatashiga’, halka uu afhayeenkii odaygu [ Mr. Dhuxul] oo leh ‘ Kuwaa Saleebaan Gaal sheegayaa annaga maaha’, Waa yaab!!!. Tii u danbaysay oo iyaduna ah; In ,wasiir Waran-cadde oo itaalka deddaalaya qarinna kari la’ dhaliilaha Sillaanyo uu yidhi waanu jebinaynaa xeerkii aqlabiyadda laaluushnayd lagu ansixiyay ee xeerka takaaliifta waddooyinka, isaga oo yidhi xeerkaasi idinma qabto haddaad tihiin booyadaha buuqa dhaliyoow ee wuxuu qabtaa gadiidleyda kale oo qudha. Dhawaaqaas Wasiirka waxaan u arkayay iclaamin mudaharaaddo hor leh oo ay abaabulaan qaybaha kale ee xeerkaasi qaban doono. Haddaba intaasoo qulqulatooyin ah iyo qorshe xumooyinka xukumadeeda ee taariikhdu makhraatiga ka tahay, waxa amakaag uu ku noqday aniga iyo inta ila midka ah, waxaan is weydiiyey ‘mee Madaxweynihii dadkani doortay, Muxuu uga hadli la’yahay dhimashada, dhaawaca iyo dhaliisha qaranimaba innagu keenay. Waxaanse is idhi bal horta ha degdegin malaha Odaygu Ma Oga’e, haddana waxaan idhi malaha ma joogaba dalka, aakhirkiise waxaan dhaafi waayay in aanay waxba ku seeganayn xaaladda jirta balse u jab la maaggan yahay, Anna waxaan isku qanciyey in xilligan oo kale ay jawaab iigu filnaato tix AHUN Gaarriye lahaa oo la odhan jiray QIYAAME (1980): Qayaashmaashki dee, Qudbadaha badnaa! Qabbaabaalihii, Durba qaati noqoy; Qarraq doonidii; Qusur oodan jiidh; Qiiraqiirihii,Hadba doc isku qaad Iyo qar iyo buur. Qarnigii cilmiga, Qubanaha is yidhi, Ku muquuni qori; Qallef iyo ba’naan, Iyo Quuflihii, Qaab laga il-baxay. Qaran idil ku yee, Qof hadlaa ma jiro. QORE FAYSAL CUMAR MADAR (QUMUJ) qumuj81@hotmail.com WAJAALENEWS.COM DESK HARGEISA;CONTACT; wajalenews@gmail.com COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|