Golaha Wakiilada oo Guddi u saaray Isku Daygii Dil lagula kacay Xildhibaan Qabile | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Golaha Wakiilada oo Guddi u saaray Isku Daygii Dil lagula kacay Xildhibaan Qabile
December 29, 2013 - Written by Editor:

7Hargeysa (Wajaale) Guddomiyaha Golaha Wakiilada ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Guddi xaqiiqo raadin ah u saaray Kiiskii Dilka ah ee lagu qaaday Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile.

Guddomiye Cirro waxa uu sheegay in guddidan ay u saaren siddii ay golaha ugu soo bandhigi lahaayeen cidii ka danbeeysay Isku daygaa dil, iyada oo warbaahinta uu hore nin uu ugu sheegay in uu isagu isku daygaasi dil uu ka danbeeyey.

Guddomiyaha ayaa Sheegay in si Guddidani ay u soo ogaato xaqiiqda dhabta ah ay u sareen waxaanu gudidaasi ka koobnayd  5Xubnood oo kala ah 1.C/raxman Maxamed Jaamac,  2. Ibraahim Jaamac Cali (Rayte), 3. Xildhibaan.  Maxamed Saalax Cige, 4. Xildhibaan.  Xamse Maxamed Gaadaweyne,  iyo Lataliyaha sharcigaa  ee golaha wakiilada Mustafe Maxamed X. Dahir

 

WAJAALENEWS.COM

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS