WAJAALE NEWS

Dawladan Faan badan Hadana Amaan Jecel Qalinkii Xuseen Xasan Badmaax

HARGEISA(WAJAALENEWS) Waxa la yaab leh afartaa wado ee ka baxa hargeysa oo aanay dawladu taageero toggan ku darsan ayaa hadana ayaa hadana ay ku faantaa wadooyin-baanu

 

 

Dawladan murdiso ee uu hogaanka ka yahay Madaxweyne Axmed-siiraanyo waxay ku caan baxday faan aan xad lahayn,mar wal oo ay dhagax dhigtaba waxay mashquulisaa tv-da dalka,markay gidaar indho-sarcaad ah dhistaba waxay ku faantaa wax qabad,waxaanay aad u jeceshahay inuu shacabku amaan iyo sacab ku asqaysiiyo.

Dadku waxay qabsadaan ayay hadana madaxa iskaga duubaan oo ay ku faanaan.Tusaale,degmada Sallaxley iyo hargeysa jidka isku xidha (Wadada-cad) waxay ka mid tahay 4 wado oo shacabka ku nool gobolka maroodi-jeex iskood u curiyeen,xoog iyo xoolo waxii

ay hayeen isugu geeyeen suurta gelinta dhismayaasha wadooyinkaa oo ah noocyada dawladahu sameeyaan.Waxaanay kala yihiin:

1.Wadada Cad

2.Dawga Cad

3.Wadada Oodweyne

4.Wadada Bali-gubadle

Waxa la yaab leh afartaa wado ee ka baxa hargeysa oo aanay dawladu taageero toggan ku darsan ayaa hadana ayaa hadana ay ku faantaa wadooyin-baanu dhisnay.Waxa qosol leh dawladan murdiso ee shacabka ku daawanaysa wadooyinka hawshoodu culustahay,gacanta iyo afkana ka xidhitay oo aan habeena media-ha kaga hadal ilayn xayaysiisna waa dann eh, ayaa ku ololay-naysa jidka dalka ugu dheer ee Ceeri-gaabo.Tan qudheeda aad ayaynu ugu baahanahay balse ninkii jiray waxa uu yidhi (Timir laf-baa ku jirta).

Aan mudo halkaan maqaalka u huladay.Deegaanka hoos yimaada degmada Salaxley ayaa shacabku waxay ka hirgeliyeen 3 mashruuc oo ay dawlada murdiso ka muquuratay hadana daadahisa marka xaflad loo qabto wareejinta mashaariicdaas.Waxaanay kala yihihiin waxqabadkaa shacabkaasi ku keliyaystay:

1.Dugsiga hoose/dhexe/sare ee Sallaxley oo ururka

Gaaroodi 13sanno gacanta ku hayo.

2.Sallaxley Maternity Hospital oo ay dhiseen garabka

Haweenka ee Gaaroodi.

3.Wadada Cad oo deegaanku tunka u ritay.

Hadana dawladan murdiso 3daa mashruuc kamana maqnaato waxna kuma tarto.Waxaanay ku faanta go?yaal ay ardayda ku sasabtay,5ta km ee sannadka dhan laga sugayay welina aanay soo dhamays tirin  ayay hadana dawladan murdiso xaflad kasta ay doonaysaa ina amaan maryaha looga buuxiyo,kuna faanto iskaa wax u qabsadaa wadada cad ee deegaanku la kacaa kufaayo.Ka darane salaasadii bishani ahayd 17ka gaadhi ambulance ah iyo qalab caafimaad oo loo soo diray cusbitaalka haweenka ee salaxley soona dirtay gudoomiyaha garabka haweenka ee xisbiga ucid,kana mid ah garabka haweenka ee gaaroodi lagu wareejinaayay maamulka cusbitaalkaa ayaa dawladan murdiso si ay faanka u sii badsato u dirtay afar wasiir iyo marwada madaxweynaha oo hogaaminaysay.

Bal maxay ka dooneen deegaan aanay kuba darsan qorhaha horumarinta iyo mashaariicda dalka ee ku faanto.Miyaanay lug-gooyo ku ahayn Marwada koobaad ee loo kalihiyay deegaan aanay dawladu mashruuc qudha ka fulin.Miyaanay ceeb ku ahayn meel shacabkii ay dawlada u ahayd mashaariic culus la daalaa dhacayaan hadana aanay waxba u qaban ay ku faanaysaa waxay iskood u qabsadeen.Waxa ka sii daran kuwa u dhashay deegaanka ee intay hargeysa ka yaacaan hor boodaayay dawladan murdiso mar walba leh kaalaya aynu ku soo faano ficil la?aanta dawladan murdiso.

Dawladahii dalkan soo maray waxay noqotay dawladan murdiso tii ugu faanka badnayd,ugu amaanta jecel hadana ficil la?aanta ugu horaysa,kana saartay deegaanada dalka qaarkood waxqabadka ay ku faanto.

Xuseen Xasan Badmaax

Hargeysa/JSL

 

WAJAALENEWS.COM

HARGEISA OFFICE

CONTACT;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

Exit mobile version