WAJAALE NEWS

Ciidanku yaanu noqon cadaw marka uu mudaharaad dhaco

hargeisa (wajaalenews) axaan markasta oo jaqaaqo dhacdo aan arkaa bulshadii oo wax yeelo iyo weerar joogtaa ku haysa ciidamada nabadgalyada ee dalkailaaliya , bulshada qaarkood ayaa ula dhaqma sida cadawga marka uu dhaco,mudaharaad taasina waxay sababtaa dhimasho iyo isku dhac ka kala yimaada ciidankii iyo bulshadii kala duwanayd.

Waxaan arkaa dadkii rayidka ahaa oo si toosa u weeraraya ninkii/inantii askariga ahayd iyagoo u adeegsanaya inay la dhacaan dhagax iyo inay ka qaadaan qoriga uu sito qofkaas askariga ah.

Markasta oo mudaharaad dhaco maxaa sababa in ay cidi ku dhimato ama ay ku dhaawacanto?  Markii aan qiyaasay oo aan baadhay  ayaa waxaan ogaaday in dhimashada iyo dhaawaca ay sababaan  marka sida arxan  darada ah loola dhaqmo qofka askariga ah ee halkaas  ku sugan dabadeedna ay xaaladiisu gaadho in qorigii laga qaado ama la dilo  ka dibna  uu wax dhaawaco ama ay dilo .

Si kasta oo ay tahay waa aynu ognahay kaalinta uu arkarigu  dalka kaga jiro ,waana aynu ognayn inaynaan  isaga la,aantii seexan karayn waa aynu ognay inaynaan isaga la,aantii cidi  ganacsan karayn ,waa aynu ognay ,inaynaan isaga la,aantii dhulku nabad ahaanayn.

Iyadoo aynu ognahay inuu dawlada iyo bulshada u yahay udub dhexaad ayaa aynu hadana maalinta mudaharaad dhaco ugu darnaa dil,cay,iyo dhaawac gaadhsiin intaba.

Waxaan ummada somaliland meelkasta  oo ay joogaan  leeyahay aynu ilaashano ciidankeena oo aynu sida ay naftooda inoogu huraan inaguna teena ugu hurno.

Oo aynu siino wixii aynu u awoodno inagoo og inta uu mushaharkoodu yahay.

Ciidankana waxaan leeyahay ilaaliya sharafta ciidanka ,ta muwaadinka iyo waxkasta oo naftaada iyo sharafta ciidanka hoos u dhigaya ,markasta u naxarista bulshadiina kala duwan ee cidkasta leh idinkoo muujinaya sinaan iyo cadaalad.

Waxaan ku soo koobayaa ciidanku waa  kii aynu ku seexanaynay , waa kii aynu ku faanaynay, waa kii soo celiyay xoriyadeenii iyo magaceeniiba markaa ciidanku waa halbawlaha dawladnimo.

 

More about me

Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

 Email: farxaanmxd@gmail.com 

TELL: 252263–4400319

 Hargeisa

 Skype: Farxaan.mxd

 Social activist

 

Exit mobile version