|
|||||
WAJAALE NEWS
Xildhibaanadii Taariikhda Markii Ugu Horaysay Xijaab Kaga Qayb Gala Baarlamaanka Turkiga Daawo
November 2, 2013 - Written by Wariye:
Haweenkan ayaa ka mid ahaa Mudanayaashii Xisbiga Cadaalada iyo Horumarinta Turkiga ee uu hogaaamiyo, Rejab Dayib Ordogan, waxaanay si wayn ugu ololeeyeen sidii dalkaas looga hir galin lahaa, in dumarku iyagoo xijaaban ay ka hawl galaan xarumaha dawlada, sanadkii 2011-kii, ka dibna ay ku guulaysteen ololaas. Sanadkii 1999-kii ayay ahayd markii xildhibaan haweenay ahayd oo loo doortay baarlamaanka dalkaasi ay ku guul daraysatay, inay xijaab kaga qayb gasho fadhigii koowaad ee baarlamaanka, ka dib markii mudanayaashu si wayn ugu oroyiin, garsooraha Maxkamada sare ee dalkaasina diiday inuu u dhaariyo xildhibaannimada, taas oo sababtay in ay fadhigii koowaad gabi ahaanba ku waydo xilkii loo soo doortay.
Wajaale News COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|