|
|||||
WAJAALE NEWS
“Waxaanu Ula Macaamilaynaa Somalia Sidii Aanu Horeba Ula Dhaqmi-Jirnay Oo Cid Aan Bassport Sidanin Kama Soo Dagi Karto Madaaradda Somaliland” Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland.
November 29, 2013 - Written by Wariye:
Taliyaha laanta socdaalka ayaa sidaasi ku sheegay mar uu xalay khadka telefoonka ugu waramay wargeyska Haatuf, isla markaana cadeeyey in go’aanka Muqdisho aanu khusaynin Somaliland. Waxaanu yidhi “Anaga iyo Somalia waxa aanu kala nahay laba dal oo kala madaxbanaan oo jaar ah, waxaananu ula dhaqmaynaa sidii aanu horeba ula dhaqmi-jirnay oo wax alaala wixii aan Bassport sidanin kama soo dagi karo Madaaradda Jamhuuriyadda Somaliland, mida kale wixii sharci daro ah ama Somalia ha noqoto ama cid kale ha noqoto’e ka aqbali mayno”. Taliyaha Laanta socdaalka Somaliland Gaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf mar aanu wax ka waydiinay inuu go’aankan cusub ee Maamulka Muqdisho ka taliyaa ay ku soo rogeen dadkii u soo socdaali jiray Somalia ee Bassport-ka dalkooda ku iman jiray inuu jawaab u yahay oo uu la xidhiidho go’aankii ay Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ku joojisay inay dalka yimaadaan dadka sita E-Passport-ka Somalia, waxa uu ku jawaabay “Ma aqbalayno marnaba sida uu Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland hore u sheegay Passport-ka cusub ee Somalia, mida kale marnaba danaha dadkayaga iyo dalkayaga cidna ugama dabo-fadhiisan doono”. Dhinaca kale mawqifkan xukuumadda Somaliland ayaa ku soo beegmay xili uu maalintii doraad uu taliyaha laanta socdaalka Somalia Mr Gaafaw amar ku siiyey diyaaradaha iskala goosha Somaliland iyo Somalia iyo shacbiga isticmaalaba inaanay 18-kii gobol ee wixii la isku odhan jiray Soomaaliwayn inaan wax baasaaboor ah loo isticmaali dooninn, isaga oo Somaliland-na ula macaamilaya goboladaas uu sheegay. Wajaale News Related posts:DAAWO; Suldaan Maxamed Cabdiqaadir Oo ka Hadlay Shirkii Beelaha Dir Ee Adis Ababa Iyo Sida Iu u Arko... Ciidanka Dab Demiska Caasimada Hargaysa Oo Soo Badbaadiyay Laba Caruur Ah Oo Dab Ku Qabsaday Gurigii... Shacabka Magaalada Gabiley Oo Siwayn U Oogay Salaadii Ciidul Adxa Iyo Nuxurka Khudbadii Ay Ujeediyee... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|