|
|||||
WAJAALE NEWS
WASIIRKA WARSHADAHA ABIIB TIMO CAD OO BEENIYAY INUU ISCASILAYO
November 6, 2013 - Written by Editor:Hargeysa(WAJAALENEWS.COM) Wasiirka Wasarada Warshadaha ee Somaliland Abiib Diriye Nuur (Abiib Timo cad) ayaa beeniyey in ay jirto in uu Xilka Qaranka uu u hayo Damacsan yahay in uu iska Casilayo. Waxaanu wararka iscasilaadiisa khuseeya ku tilmaamay qaar aan sal iyo raad toona lahayn, waxaanu meesha ka saray in wax khilaaf ahi uu soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweynaha. Waxaanu yidhi. “Horta Iscasilada la sheegayo in aan Iscasilay idinka igu hore waxa ii sheegay, lakiin waxaan idin cadeynayaa in aanan anigu iscasilin oo warkaasi sal iyo raad toona lahay, oo wax khilaaf ahi aniga iyo madaxweynaha naga dhex jirin aanu jirin, madaxweynuhu waa madaxweynahagii wax khilaaf oo na soo kala dhexgalayna ma jirto, siddii ayaanu iskugu wanaagsan nahay madaxweynah, Madaxweynuhu dhawar jeer ayuu wax ii yahaymarka kowaad waa guddomiyahagii SNM oo 10sanno ah ayuu guddoomiye ii ahaa marna waa madaxweynahagii, marka waxaan idin sheegay madaxweynaha waxaan kalgalac iyo wanaag ahayn oo na dhex yaala majirto.”Ayuu yidhi Abiib Timacad. WAJAALENEWS HARGEISA OFFICE Related posts:Madaxdhaqameedka Gobolada Saaxil Iyo Togdheer Oo Ka Hadlay Shaqaaqo Kazoo Cusboonaatay Deegaanka Cal... Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Ka Badbaadey Shil Halis Ah Oo Baabuurkeedu Galey iyo khasaaraha ka ... Ganacsatada Somaliland Oo Door weyn Ka Qaatay Shirkii Guulaha Horumarka Somaliland 27 Sano Kadib. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|