WASIIRKA WARSHADAHA ABIIB TIMO CAD OO BEENIYAY INUU ISCASILAYO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
WASIIRKA WARSHADAHA ABIIB TIMO CAD OO BEENIYAY INUU ISCASILAYO
November 6, 2013 - Written by Editor:

Abiib-Tima-cad2Hargeysa(WAJAALENEWS.COM) Wasiirka Wasarada Warshadaha ee Somaliland Abiib Diriye Nuur (Abiib Timo cad) ayaa beeniyey in ay jirto in uu Xilka Qaranka uu u hayo Damacsan yahay in uu  iska Casilayo.

Waxaanu wararka iscasilaadiisa khuseeya ku tilmaamay qaar aan sal iyo raad toona lahayn, waxaanu meesha ka saray in wax khilaaf ahi uu soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweynaha.

Waxaanu yidhi. “Horta Iscasilada la sheegayo in aan Iscasilay idinka igu hore waxa ii sheegay, lakiin waxaan idin cadeynayaa in aanan  anigu iscasilin oo warkaasi sal iyo raad toona lahay, oo wax khilaaf ahi  aniga iyo madaxweynaha naga dhex jirin aanu jirin, madaxweynuhu waa madaxweynahagii wax khilaaf oo na soo kala dhexgalayna ma jirto, siddii ayaanu iskugu wanaagsan nahay madaxweynah, Madaxweynuhu dhawar jeer ayuu wax ii yahaymarka kowaad  waa guddomiyahagii  SNM oo 10sanno ah  ayuu guddoomiye ii ahaa marna waa madaxweynahagii, marka waxaan idin sheegay madaxweynaha waxaan kalgalac iyo wanaag ahayn oo na dhex yaala majirto.”Ayuu yidhi Abiib Timacad.

WAJAALENEWS

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS