|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Ka Hadlay Wafti Ka Socda Wadama Maraykanka,Ingiriiska Iyo Scandanevain-ka Oo Dalka Ku Sugan iyo Socdaal Ay Ku Tageen Magaalada Berbera.
November 9, 2013 - Written by Wariye:Hargeysa(Wajaale News):-wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade ayaa ka war bixiyey wafti ka socda dalalka Maraykanka,Ingiriiska iyo wadamada Scandevian-ka.Wasiirka arimaha gudaha Somaliland oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay inay waftigani u yimaadeen inay arkaan horu marka ka socda Somaliland waxaana hadaladiisi ka mid ahaa ?Halkan maanta waxa maraya wafti ka socda wadamada Maraykanka iyo ingiriiska oo ah dalalka Somaliland la saaxiibka ah waxaanay u yimaadeen inay eegaan horu marka somaliland ay Dhinaca kale Donna Leight oo hogaaminaysay waftigan ka socda dalalka Maraykanka,Ingiriiska iyo wadamada Scandanevian-ka oo la hadashay warbaahinta ayaa waxay sheegtay inay Somaliland ka caawin doonaan dhinaca la dagaalanka budhcad badeeda. Wajaale News COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|