Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Ka Hadlay Wafti Ka Socda Wadama Maraykanka,Ingiriiska Iyo Scandanevain-ka Oo Dalka Ku Sugan iyo Socdaal Ay Ku Tageen Magaalada Berbera. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Ka Hadlay Wafti Ka Socda Wadama Maraykanka,Ingiriiska Iyo Scandanevain-ka Oo Dalka Ku Sugan iyo Socdaal Ay Ku Tageen Magaalada Berbera.
November 9, 2013 - Written by Wariye:

wasiirka arimaha gudahaHargeysa(Wajaale News):-wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade ayaa ka war bixiyey wafti ka socda dalalka Maraykanka,Ingiriiska iyo wadamada Scandevian-ka.

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland oo warbaahinta kula hadlay  garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay inay waftigani u yimaadeen inay arkaan horu marka ka socda Somaliland waxaana hadaladiisi ka mid ahaa ?Halkan maanta waxa maraya wafti ka socda wadamada Maraykanka iyo ingiriiska oo ah dalalka Somaliland la saaxiibka ah waxaanay u yimaadeen inay eegaan horu marka somaliland ay
gaadhay dhinac walba, waxaanay jecel yihiin inay soo eegaan meelo badan oo ka mid ah dalka iyo inay hubiyaan sida ay yihiin dadka jeelasha ku jira iyo sida loogu xanaaneeyo.? Ayuu yidhi wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay  inay waftigan wax kala qabanayaan Somaliland sidii loo tayeyn lahaa ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland si looga ilaaliyo budhcad badeeda  waxaanu yidhi ?waxa kale oo ay doonayaan inay wax badan ka qabtaan dhinaca ciidamada Bada Somaliland si ay ciidamadu awood ugu yeeshaan inay ilaaliyaan xuduudaha xeebaha Somaliland  si ay u ahaato meel nabad galyo ah oo laga ilaaliyo budhcad badeeda, waftiganina waa mid balaadhan waxaanan leenahay ku soo dhawaada Somaliland.? Ayuu yidhi wasiirka arimaha gudaha Somaliland.

Dhinaca kale Donna Leight oo hogaaminaysay waftigan ka socda dalalka Maraykanka,Ingiriiska iyo wadamada Scandanevian-ka oo la hadashay warbaahinta ayaa waxay sheegtay  inay Somaliland ka caawin doonaan dhinaca la dagaalanka budhcad badeeda.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS