|
|||||
WAJAALE NEWS
TIXDAN WAXA CURIYAY Abwaan MUKHTAAR CABDIQAADIR AW CUMAR (HINDISE) WAXAANAY KU SAABSANTAHAY QAABKA AY MADAXDA DALKU U MAAMULAAN XUKUNKA IYO XILKA AY DADKA IYO DALKA U HAYAAN
November 26, 2013 - Written by editor
TIXDAN WAXA CURIYAY ANIGA OO AH MUKHTAAR CABDIQAADIR AW CUMAR (HINDISE) WAXAANAY KU SAABSANTAHAY QAABKA AY MADAXDA DALKU U MAAMULAAN XUKUNKA IYO XILKA AY DADKA IYO DALKA U HAYAAN, WAXAANA MAGACEEDA LA YIDHAA (XILKA MADAXDU SIDAN MAAHA)
WAANA TAN TIXDII:
XILKA MADAXDU SIDAN MAAHA DADKA UUNXIDH XIDHO MAAHA XOOLAHA MASAAKIINTA ISKA XAABSO UUN MAAHA XAWLI LACAG KU GURO MAAHA CASHUURTAA XAWAASHLAYDA XAMAALIINTA LAGA QAADO KU XEREE ACCOUNT MAAHA DANYARTOO XARAARAYSAN MARAADUUF XEREE MAAHA JAARKAAGOO XALAY QADAY KU QADEE XANIID MAAHA XISAABTAASI INA XAASHI KA XANAAQA UUN MAAHA HADBA DHAGAX XIJAAR WAYN AH DHULKA MEEL KU XANIB MAAHA HADBA XAFLAD TAG UUN MAAHA MAQAS UUN LA XAFAR MAAHA KOLBA XADHIG KU GOO MAAHA WIXII WARAR XAQIIQO AH CAR XARIIQA UUN MAAHA WARIYAHA KU XAYRAAN MAAHA SAXAAFADA XAG XAGO MAAHA KAMARADA KA XOOG MAAHA XABSIGAA KU RIDA MAAHA XISBIYADA MUCAARIDKA A KU AFUUF XAJIIN MAAHA BURUSH XAARLE MARI MAAHA BAARLAMAAN LA SOO XULAY XINIINYAHA KA SAAR MAAHA XUBNAHOODA MUHIMKA AH U XIDHIIDHI ZAAD MAAHA LAALUUSH U XAWIL MAAHA MOOSHINKOODA XANIB MAAHA QURBO JOOG U XARIG MAAHA XAFIISKAAGU SUBAXDII HA XIDHNAADO UUN MAAHA CADAALADA XABAAL MAAHA SHARCIGUUN XUMEE MAAHA MARKA AAD XAL GARAN WAYDO HEBELBAA XUN UUN MAAHA XUKUNKUUN KA ERI MAAHA WADOOYINKOO XASHIISH BUUXO XAWAARE SARE KU SOCO MAAHA.
By: Mukhtaar Cabdiqaadir Aw Cumar (Hindise) E-mail: hindise448@hotmail.com COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|