Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Oo Wax-ba Kama Jiraan Ku Tilmaamay Warar La Xidhiidha Xafiiskiisa Oo La Sheegay Inuu Bixiyo E-Bassaborka Somalia | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Oo Wax-ba Kama Jiraan Ku Tilmaamay Warar La Xidhiidha Xafiiskiisa Oo La Sheegay Inuu Bixiyo E-Bassaborka Somalia
November 18, 2013 - Written by editor

Taliyaha Laanta socdaalka Somaliland Gaashaanle Sarre Maxamed Cali Yuusuf ayaa wax-ba kama jiraan ku tilmaamay Warar laga baahiyey Xafiiskiisa oo sheegaayey inay Somaliland ogolaatay E-passportka Somalia, waxaanu sheegay in Bassaborka ay bixiyaan uu yahay Ka Qaranka jamhuuriyadda Somaliland oo kaliyaata.

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanle Sarre Maxamed Cali Yuusuf

Hargaysa(Wajaale-News):-Taliyaha Laanta socdaalka Somaliland Gaashaanle Sarre Maxamed Cali Yuusuf  ayaa wax-ba kama jiraan ku tilmaamay Warar laga baahiyey Xafiiskiisa oo sheegaayey inay Somaliland ogolaatay E-passportka Somalia, waxaanu sheegay in Bassaborka ay bixiyaan uu yahay Ka Qaranka jamhuuriyadda Somaliland oo kaliyaata.

Taliyaha Laanta socdaalku waxa uu sidaas ku sheegay Shirjaraa?id oo uu ku qabtay Xafiiskiisa Caasimadda Hargaysa, waxaanu sheegay inay jiraan dad

ka Xun Horumarka somaliland oo dacaayad u samaynaya  E-Bassaborka cusub ee Somalilan, waxaanu yidhi ?Xafiiska laanta socdaalka Somaliland waxa uu bixiyaa Bassaporka ay leedahay Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu tago dhawr iyo toban dal  iyo meelkasta oo adduunka ahba, waxaan Bassaporkaas ahayn dalka waa ka Mabnuuc sida ay dejisay Wasaarrada arrimaha guduhu horeba ugu dhawaaqday dalka waa ka mabnuuc. Wax kale oo aanu aqoonsanahay-na ma jiraan.?

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi ?Warkaasi ma jiro Xukuumadda iyo Wasaarrada arrimaha gudaha oo aan Wakiil uga ahayn Xafiiska Laanta socdaalka, Booliska iyo Hay?adaha kale ee Sirdoonka ayaa soo xidhay oo Xabsiga ayaanu dhignay, markaa dawlada ayey u taallaa sii dayntooda wax alaala iyo wax aanu ka ognahay-na ma jirto. Waxaan gacanta ku hayaa oo waxan oo fad-qalalo ah keenay wasaarada arrimaha gudaha oo diyaarisay inta ka hadhsan Sanadkana soo bandhigi doonta E-passaborka cusub ee Somaliland yeelan doonto oo casriya, isla markaana adduunka oo dhammi nagu dhiiri-geliyey samayntiisa, markaa waxaanu rajaynaynaa inaanu Sanadkan dabayaaqadiisa oo saarno dhaqaale fiican oo suurto-geliyana wasaaradda arrimaha gudaha ayaa u diyaarisay.? Ayuu yidhi Taliyaha Laanta Socdaalka Somailand Gaashaanle Sarre Maxamed Cali Yuusuf (Maxamed Cambarro)

WAJAALE NEWS DESK

HARGEISA OFFICE

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS