Qaramada Midoobay Oo Walaac Ka Muujisay In Dhaqaalaha Soo Gala Burcad Badeeda Loo Adeegsado Falal Amni Darro Ah.
November 2, 2013 - Written by Wariye:
Warbixinta ayaa lagu xusay in bankiga aduunka iyo booliiska oo loo yaqaano Inter Bol oo la xiriiray rag ka tirsanaa burcad badeeda iyo xubno u dhaqdhaqaaqa bulshada ay sheegeen iney sii kordhayaan dhaqaalaha ay burbacad badeedu ka helaan Maraakiibta ay afduubtaan
Madaxa hey?ada la so socodka kotorabaanka aduunka ninka lagu magacaabo Tofid Marshulu ayaa wax uu sheegay in arimahani ay sii kordhineyso qatarta la xiriirta dhinaca amaanka, wuxuuna intaasi ku daray in dhaqaalahaasi faraha badan ee ku dhacaya gacanta burcad badeeda loo adeegsan karo dhibaatooyin kala duwan sida in hub si sharcidaro ah lagu soo geliya dalka.
Wadamada lagu xusay iney ka dhacaan falalka burcad badeednimo ayaa waxaa ka mid ah Soomaaliya Djabuuti Kenya Ethiopia iyo Jasiirada Schelis.