Guddomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Oo Ku Amaanay Golaha Kaalintii Ay Ka Qateen Daminta Shaqaaqooyinkii Ka Dhacay Gobolada Dalka Qaarkood.
November 2, 2013 - Written by Wariye:
Guddoomiyuhu waxa kale uu sheegay in dib uheshiisiintaas ay kala qayb qaateen wasiir dhawr ah oo kasoo jeeda degaanka waxaana uu yidhi:arinkani waxa uu ahaa laba howlood oo adag oo goluhi dirtay iyo ragii hawsha qabtayba waa mahad sanayihii arinkan wasiirana way nagala qayb galeen kuwaas oo kasoo jeeda degaanka shaqaaqadu ka dhacday ee xariirada.
Dhanka kale waxa uu guddoomiyuhu waxa uu sheegay in ay goluhu udireen guddida nabada galiyada si ay xal waarta usoo islaaxiyaan gobolada iyo degmooyinka dalka ee ka dhaceen shaqaaqooyinku waxaan uu yidhi?guddidii nabada galiyada intaanan idinka tagin waynagii udirnay bal dhibaatooyinka ka jira gobolada iyo degmooyinka dalkan ka jira kaas oo dhexe yaal beelaha ay soo uruuriyaan sida ay ukala mudan yihiin ay usoo sheegaan iyagu hawshoodii halkaas kaga aadanayd way soo qabsadeen waxa hadhay oo kaliya sidii arinkaas loo fulin lahaa markaas waxa aynu gali doonaa marka aynu kasoo noqon fasaxa.
Guddoomiyuhu waxa kale uu sheegay in labada gole ee golaha wakiilada iyo golaha guurtida somaliland ay labaduba ay gaabis ka yihiin xagii shuruucda waxaan uu yidhi?waxa weeyaan idin canaana maayo ee arinkani waa waxa laba gole ka dhexeeya weyaan in aynu xaga shuruucda gaabis ka nahay golayaasha guudo ahaanba lakiin inaga waxa hada inagu qabyo ah oo aan sheego ma jiraan ka gole guurtid ahaan.
Dhanka kale waxa uu guddoomiyuhu sheegay in qadhaankii lagu darayey wadada isku xidhaysa Magaalooyinka Ceerigaabo Iyo Burco Qaadhaankii laga rabay golaha guurtidu uu ku xidhan yahay midka ay bixiyaan Golaha ku lamaan ee wakiiladu.
Gabogabadiina Guddoomiyaha Golaha Guurtida ayaa ku war geliyay mudaneyaasha in uu goluhu fasax noqon doono muddo bil iyo badh ah.