WAJAALE NEWS

C/laahi Asakr muxuu ka yidhi qabashadiisii 1983-kii

sdfasdfasdDhawaan waxa magaaladda Hargeysa lagu weeraray Hotel uu joogay Maxamed Kaahin Axmed oo ah Guddoomiye ku-xigeenka xisbiga kulmiye, arrintaasi waxay abuurtay dareen illaa hada taagan oo u qaadan waa ah maadaama Somaliland waxa ay ku faani jirtay ahaa Amaanka balse arrintani xagal daacinayso wallow sababta keentay aanay wali cadayn.
Xukuumadda iyo bulshada Reer Somaliland oo dhan baa cambaaraysay falkaasi, hase yeeshee Xisbiga Kulmiye ayaa uga hadlay si aanay dadka qaarkood jeclaysan, waxaanu Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi dhacdadan la xidhiidhiyey sheeko hore uga dhacday Hargeysa oo taliskii burburay ee Siyaad Barre ku qabtay Mujaahid Marxuum C/laahi Askar, maadaama dhacdadan Maxamed Kaahin lala beegsaday uu qayb ka ahaa Maxamed Yuusuf Mooge (Maxamed Buur) oo sabab u ahaa qabashada C/laahi Askar.
Inta aynaan ku horay qoraal aanu Diiwaanka Sooyaalka Taariikheed ee C/laahi Askar aanu idiinka soo minguurinay bal aan dib u jaleecno Muuse Biixi iyo weedhii uu ka yidhi dhacdada Maxamed Kaahin lagula kacay iyo xidhiidhka uu ka dhaxaysiiyey tii 1983-kii, waxaanu yidhi “Bal aan iswaydiino ninka qoriga ku qabtay Maxamed Kaahin waa kuma.? Waxa xannuun badan in ninka mujaahid Kaahin maanta qoriga ula baxay uu yahay kii marxuum Cabdillaahi Askar qoriga ku qabtay 1983kii. Waxa kasii daran in kuwa la socday markii uu Maxamed Kaahin maanta qoriga ku qabanayey ay ahaayeen kuwii maalintaa Gaani Tiyaatarka Hargeysa uga heesayey ee lahaa waxaannu soo qabanay qudhmistii ugu waynayd. Xisbiga KULMIYE wuxuu ummada u caddaynayaa inuu dagaal aan naxariis lahayn la gali doono kuwa neceb guusha qaranka, isla markaana caadaystay inay marwalba cadowga u adeegaan” ayuu yidhi
Hadaba marka aan dib u jaleecno dhacdadaas C/laahi Askar lagu qabtay iyo sida ay ku timi waxaanu diiwaanka taariikhdaasi ay leedahay ee waliba C/laahi Askar alla ha u naxariistee ka sheekeeyey intuu uu noolaa ay u dhacday mar uu u waramayey barnaamij ka bixi jiray Telefishanka Somaliland Space Chanel sidan:-
Waxan u socdaa xagaa turki joogo ee guriga Sheekh madar, Ibraahim kood-buur Ayaa yimid Aniga oo gurigii halkaasi jooga, markaasu yidhi Saw imika bixi Maysid, Haa Ina keen Aan ku Sii kaxeeyee Ayaa uu yidhi, Waxan Ku idhi maya Ibraahim aduu Iska sii soco anaa hadhow tagaya oo kaligeey soo baxayee, dabadeed goor ilaa sagaal kii iyo badhkii habeenimo ahayd ayaan ka soo baxay gurigii sh.Ibraahim dariiqa idaacada ee xisbiga ayaan kor uga soo baxayay, halkaa hadaba waxaa jira nin mar walba la yidhaa askar buu sheegay oo la yidhaa Maxamed Buur  gurigiisa ayaa Eeriyaadaas Ka dhow Oo had Iyo jeer Ardeybaa Rabashta habeenkii, Ninkaasi mar walba Waxaa uu u Ashkatoodaa saldhigyada oo Uu Yidhaa Waar Dee Waan Idinla Shaqeynayaaye habeen Walba Waa Lay cadibaaye Kaalaya Wax ila Qabta.
Habeenkaa s Ayaa 4 askari la soo raaciyay, waxaanan u socdaa gurigii sh madar hadaba halkaas national sinemaha geedka wayn halkii uu ku yaalay markaan maraayo ayuu baabuur xaga sinimooga ka soo baxay talaabadan yara dadajiyey sekada aan galay labada dhinacba waa ay ka xidhantahay oo meel banaan malaha iyana marka ay I arkeen ayay saddex askari dariiqa aan ku socdo halkiisa hore dhigeen baabuurkiina xagii danbe ayaa uu ka soo socdaa ,aniga oo suqduudkii maraya ayaa sidaas qori laygu qabtay markaasuu yidhi malaha waa kuwa habeenkii I rabsha , mana garanayaan wali waxaan ahay sidaan u socday ayaa saddexdii askari ee horataydu Car Dhaqaaq I yidhaahdeen , maxaad Sameysaa Ayaan is yidhi eeriyadan aan ku jiraana waa badhtankii reeraha, waa la madhanayaa waxoo dhamina waa ay fashil mayaan hadii halkaas qarax ka dhaco halkaasaana laygu qabtay saldhigoodii ayaa ay ila yimaadeen oo ahaa halkan imika garoonka timacade yahay.” Ayuu yidhi C/laahi Askar isagoo taxane dheer oo qisadaas ah bulshada uga waramay

wajaalenews.com

Exit mobile version