|
|||||
WAJAALE NEWS
Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Ucid Oo Canbaareeyey Xubin Ka Tirsan Golaha Dhexe Ee Xisbiga Ucid Oo Lagu Xidhay Maqaal Uu Ku Cabiray Fikirkiisa
October 3, 2013 - Written by Wariye:
Xoghayaha warfaafinta ee xisbiga Ucid oo la soo xidhiidhay shabakada wararka ee Hadhwanaagnews ayaa waxa uu sheegay in xadhiga loo gaystay xubintaas ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga Ucid ay timid ka dib markii uu qoray maqaal uu ku cabirayo fikirkiisa oo uu ku sheegay inaanay xukuumadu Xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid waxa uu faah faahin ka bixiyey sababta keentay xadhiga xubintan ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga Ucid waxaanu yidhi ?xadhiga xubintan ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga Ucid waxa keenay ka dib markii uu qoray maqaal uu fikirkiisa ku cabirayo kaas oo uu kaga hadlayey inaan la xidhi karin gudoomiyaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka mujaahid Xasan Guure iyo gudoomiyaha xisbiga ucid Eng Faysal Cali Waraabe isla markaana aanay xukuumadu taageero ka haysan beesha uu ka soo jeedo wasiirka warfaafinta Somaliland? ayuu yidhi xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid. Sidoo kale xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid waxa uu sheegay inay saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa oo uu ku xidhan yahay Ismaacil Maxamed Ciise ay ku booqdeen isla markaana waxa uu sheegay in hogaanka ciidanka ee saldhiga dhexe u sheegay in amar lagu siiyey inay soo xidhaan xubintan isla markaana ay sii deyn karaan oo kaliya cida soo xidhay.
Wajaale News Related posts:Booqashadii Maayerka Iyo Waxyaabihii Cajiibka Ahaa Ee Lagu Soo Bandhigay Xarunta Dhaqanka Hargeysa E... DAAWO; Madaxwaynaha Somaliland Oo Kormeer Kusoo Maray Halka Ay Marayso Dhismaha Wadadda Ceergaabo. Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Shaaca Ka Qaaday Inaanay Dalka Ka Hawl-geli Karin Warbaahin Aan R... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|