|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Waxbarashada Oo Shahaadooyin Guddoonsiisay In Ka Badan Afar Boqol Oo Arday Oo Ah Ardaydii Ugu Saraysay Sannad Dugsiyeedkan Dugsiyada Nuuradiin.
October 3, 2013 - Written by Wariye:
Munaasibad Loo Qabtay Ardaydaasi kaalmaha Hore Ka Galay Guud Ahaan Dugsiyada Nuuradiin Oo Ka Dhacday Hottel Maan-soor Ee Magaaada Hargeysa Ayaa Waxa Kasoo Qayb Galay Wasiirada Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Ee Somaliland Suldaan Axmed-daahir Muuse Cilmi Oo Isaguna Hadal Kooban Kasoo Jeediyey Madashaasi Ayaa Mahad Naq balaadhan Usoo Jeediyey Maamulka Iyo Macalimiinta Dugsiyada Nuuradiin Isaga Oo Ku Amaanay Sida Ay Ubadkooda Hiil Iyo Hooba Ula Barbar Taaganyihiin, Kuna Hambalyeeyey Guulihii Is Daba Jooga Ahaa Ee Ay Ardayda Dugsiyada Nuuradin Kasoo Hooyeen Imtixaanaadkii Dugsiyada Sare. Waxa Kale Oo Munaasibadaasi Hadalo Dardaaran Iyo Waano Iskugu Jira iyaguna kasoo Jeediyey Sh.aaden X.maxamuud Xirsi (Sh.Aaden Siiro), Suldaan Siciid iyo Agaasimaha Guud Ee Dugsiyada Hoose Dhexe, Iyaga Oo Dhamaantood Si Adag Ula Dardaarmay Ardayda Dugsiyada Nuuradiin Hambalyo Iyo Bogaadina U Diray Maamulka Iyo Macalimiinta Dugsiyada Nuuradiin. Waxa Kale Oo Madashaasi Hadalo Dar-daaran Iyo waano Iskugu Jira Kasoo Jeediyey Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada, Ciyaaraha Iyo Dalxiiska Somaliland, Md Cali Siciid Raygal Isaga Oo Si Adag Ula Dardaarmay Dhalinyaradii Kasoo Qayb Gashay Munaasibadaasi Kalana Dardaarmay Aafooyinka Tahriibka Ee Waayadan Dambe Saameeyay Dhalinyarada Reer Somaliland. Wajaale News Related posts:Midowga Yurub Oo Sheegay Inay Maalgelinayaan Doorashada Wakiilada, Haddii Ay Xisbiyadu Gaadhaan Hesh... Daawo: Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Qiray In La Xaraashay Mishiinadii Idaacada Radiyoo Hargays... DAAWO; Gudoomiye Ciro Oo Ku Xukuumada ku Eedeeyay Inay u Diideen In Xabsiga uu Ku Booqdo Siyaasi X... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|