Wasiir Cukuse Oo Xabsiga U Taxaabay Wiil Warqad Furan U Qoray Madaxwyne Siilaanyo Maxaase Ku Qor’naa Warqadaasi Halkani Ka Akhriso | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiir Cukuse Oo Xabsiga U Taxaabay Wiil Warqad Furan U Qoray Madaxwyne Siilaanyo Maxaase Ku Qor’naa Warqadaasi Halkani Ka Akhriso
October 2, 2013 - Written by editor

Cukuse

Hargysa,(Wajaale news)- Wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacyi galinta mudane Cabdilaahi Maxamed Cukuse, ayaa maanta xabsiga u taxaabay wiil dhalinyaro ah oo  lagu magacaabo Ismaciil Ciise Muuse oo deegaan ahaan ay wasiir Cukuse meel ka soo wada jeedaan.

Wiilkani la xidhay ee u xidhan wasiir Cukuse ayaa xadhigiisa lagu sababeeyay warqad furan oo uu doraad ku baahiyay shabakada qarannews.com iyo meelo kaleba, taasi oo ku socotay madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Siilaanyo.

Wasiir Cukuse ayaa ahaa shaqsi soo maray mucaaridnimo isaga oo leh wargyska Saxansaxo oo hadh iyo habayn lagu soo daabaci jiray cay iyo aflagaado ilaa maantana amaanta xukumadda Siilaanyo oo uu ka tirsanyahay isla markaasina laga soo maago cidii dhaliisha xukumadda Siilaanyo.

 

Maqaalka uu Wasiir Cukuse ka gubtay ee joog iyo jiifba u diiday oo shabakada qarannews ay baahsi waxa uuu dhignaa sidian

 

 

Warqad Furan Oo Kusocota Madexweyne Siilaanyo Beesha Ciidagale Hadaanu Nahey Dowladu Inay Xil Wasiir Noo Magacowdo Waanu Filaynay Laakiin In ay Waxyeelo Noo Magacowdo Maanu Filayn

 

 

Warqad Furan Oo Kusocota Madexweyne Siilaanyo Beesha Ciidagale Hadaanu Nahey Dowladu Inay Xil Wasiir Noo Magacowdo Waanu Filaynay Laakiin In ay Waxyeelo Noo Magacowdo Maanu Filayn

 

 

Anigoo ah Ismaaciil Maxamed Ciise Muuse ahna Shaeekhal Baledka Magaalada Hargeysa Kalsoonina ka heysta  Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir Waxaan halkan uga Gudbinayaa Madexweynaha Somaliland Warqad Furan oo Si toos ah ugu socota taas oo aan kaga hadlayo waayo Cakuse waa aafooyinka Dawladuhu isticmaalaan Ciidagale ma Wuxuu noqdey Puntland Amase urur Siyaasadeed Mudane Madexweynaha Beel ahaan Malaa uma qalano in Hurumarkeygii aanu ka shaqeyneynaa ina luugo badelo Waxyeelo Siyaasadeed oo Ka hor imaneysa Wax kastoo hurumar aanu gaadhney ah Sida Wadooyinka, aanu ku sameysanay iyo qof kastoo beesha ka mid ah rag iyo Dumarba Shilinkii ay dhixirka ku hayeen soo saareen.

In Xukuumadda Maanta joogtaa ay noogu abaal gudey Burburin Hurumarka Beeleed halka ay ka aheyd in ay dhiiri galiso cid kastoo Hurumar wada kuna talaabsaneysa waanu ka garowney in ay Xukuumadu dooneyso waxaanu ka shaqeynay waxaan aheyn   waxa go,aan ah in xiliga dhow sida ugu dhakhsaha badan ay beeshu ka jawaabi doonto cid kasta oo ka hor timaada aanay ka habran doonin si qaawana ay uga jawaabi doonaan.

Sidaa daraadeed Madexweyne Masuuliyiinta aad Xilka noogu dhiibteyna waxey ka shaqeeyaan waxaan aheyn waxa loo igmadey iyo waxa ay faraglinta Beesha ku hayaan taasina waxey ka turjumeysaa inay ka shaqeynayaan waxey Xukuumadu dooneyso ee ah in ay kasoo horjeedo Hurumarka, Mudane Madexweyne Waxaan kuu sheegayaa in ay been kuu sheegaan Masuuliyiinta aad Xilka u dhiibtey ee Beesha Ciidagale hadii runta aanu ka hadalnona beesha Ciidagale ma aha Muxaafid ee Mucaarid aqlabiyadoodu Waxaana kuu cadeyneysa marka Wasiir Cakuse kuu keeno adeeradii,Abtiyaashii iyo Seediyaashii oo ah  Xasan Guure Jaamac, Faysal Cali Waraabe, Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir, Ibraahim Mahdi Buubaa iyo inta ugu badan ee Beesha Ciidagle haldoorkoodii ah oo maanta ku abtirsanaya Xaqiiqiyan Mucaaridnimo Waxaanan halkan kusoo gabagabeynayaa hadalkeygan tooska ah in ay nasoo gaadhey Fariintii aad noogu soo Dhiibtey Wasiir Cakuse, taas oo aheyd shantii Km ee Xukuumadu ku darsaneysay Wadada Salaxley ee ay sagaalka jeer dhex dhigtey, ilamana aha oo Ciidagale ma aaminsana ninka dhisi waayey shan Km in uu dhisayo ta ka badan ee sadexda boqol iyo todobaatanka Km, Waxa kale ee noo raaca inuu ka Shaqeynayo Cakuse kasoo horjeedka Beesha sida uu usoo xidhayo Iskuulka Gaaroodi ee kow iyo labaatanka Sano beeshu gacanta ku haysay, Kastamka ina Guuxaa ee aad balanqaadeen haseyeeshee Cakuse diiday furitaankiisa, Ambalaaskii ay Madexweynaha Weydiisteen Hablihii dhakhtarka Salaxley  fargaladoodii ku dhiseen ka horjoogsadey,oo yidhi Bisha Cas ayaa nasiineysa taasina waa Qodob waxbana kama jiraan, kamana yeeli doono Wasiir Cakuse in uu Beesha kala Qeybiyo oo yidhaahdo kanaa Maxamed Daa,uud ah  ah iyo kanaa Muuse Daa,uud ah kanaa Abokor Muuse ah iyo kanaa C/raxmaan Muuse ah kanaa baha Dukhsi ah kanaa baha kobarjaaya, kanaa Reer Mataan ah kana ma aha kanaa dhamal Aadam ah kana ma aha kanaa Reer Cabdi Ciise ah kana ma aha kanaa ba iido ah kana ma aha kanaa Reer Guuleed ah iyo kana ma aha, lagaana yeeli Maayo Xadhiga aad ka Shaqeyneyso   ee Xasan Guure iyo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

Mahad Illaahaybaa leh Ismaaciil Maxamed Ciise Muuse

(Sheekhal Baledka)   

farxadi@hotmail.com

 

COMMENTS
LINKS