|
|||||
WAJAALE NEWS
Wafti Uu Hogaaminayo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Oo Goor Dhaweyd U Ambabaxey Ceerigaabo iyo Ujeedada Socdaalkooda
October 12, 2013 - Written by Wariye:Hargeysa(Wajaale News)-Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo ka kooban Salaadiin Madax-dhaqameed iyo QeybahaGudida la magacaabay ee Dhismaha Jidka Burco iyo Ceerigaabo ayaa goor dhaweydka amababaxey Caasimada Somaliland ee Hargeysa waftigaas oo usii jeeda Dhinaca Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag. Waftigan oo Wasiirka Madaxtooyada ay ku wehelinayaanWasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyada Somaliland Cadaani iyo Wasiirkii hore ee Arimaha Bulshada iyo Shaqada Ilhaan Maxamed Jaamac, ayaa nuxurka ujeedada socdaalkooda lagu sheegay in ay olole Balaadhan oo loogu qaadhaamayo Dhismaha jidka u dhexeeya Ceerigaabo iyo Burco ay kasoo bilaabayaan Magaalada Ceerigaabo iyo Guud ahaanba Degmooyinka Gobolka Sanaag. Waftigan uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa kamid ah bahda Talafishanka Caalamiga ah ee Universal iyo Wariyayaasha caanka ah ee Axmed Xasan Cowke iyo Cabdisalaan Ibraahim Herari oo iyaguna kala Qeyb qaadanaya Barnaamijyada Wacyigalinta Dhismaha Jidka Ceerigaabo iyo Burco. Dhinaca kale waxa maalmahanba kusugnaa Magaalada Ceerigaabo Wafti wasiiro ah oo ka kooban afar Wasiir kuwaas oo hogaamiye u ahaa Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir Cali, Wasiirada Gaashaandhiga, Ciyaaraha iyo Dhalinyarada iyo Wasiirka Biyaha. Wajaale News Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|