|
|||||
WAJAALE NEWS
Midawga Afrika Oo Maanta Addis-Abbaba Ugu Shiraya Sidii Ay Afrika Uga Bixi Lahayd Maxakamadda ICC, Iyo Madaxweynaha Kenya Oo Hanjabay Iyo Walaaca Hay?addaha Xuquuqal Insaanka.
October 11, 2013 - Written by Wariye:
Qareenadda u doodaya Madaxweynaha dalka Kenya President Uhuru Kenyatta, ayaa ku eedeeyay garsoorayaasha Maxkamadda Caalamiga ah ee danbiyadda in ay baal mareen sharciga oo ay qaadista dacwadan si khaas u maamuleen, waxaanay ka dalbadeen in ay joojiyaan dacwada loo haysto Madaxweynaha Kenya, waxaanau u gudbiyeen maxkamada qoraal ka kooban 38 bog. MadaxweynahaKenya ayay ku eedaysay maxkamadda ICC, in uu ka qayb qaatay abaabulkii dadkii tirada badnaa ee lagu laayay doorashadii muranka weyni ka dhashay ee ka dhacday dalka Kenya sanadkii 2007-dii, waxaana lagu wadaa in dhegaysiga loo haysto Madaxweynaha Kenya ay bilaabanto bisha Nov, ee sanadkan aynu ku jirno. Sidoo kale, in ka badan 130 hay?addood oo u doodda illaalinta xuquuqada aadamaha ayaa walaac xoog leh ka muujiyay shirka maanta Midawga Afrika uga furmaya magaalada Addis-Ababa , waxaanay tibaaxeen hadii Midawga Afrika uu isku raaco ka bixista heshiiskii Roma in ay dhabaha u sii xaadhayso korodh xoog leh oo ku yimaadda tacadiyada lagula kaco xuquuqdda aadamaha ee qaaradda Afrika. Wajaale News Related posts:DAAWO; Ergadii Ugu Tirada Badnayd Ee U Anbabaxay Daminta Colaada Beelaha Walaalaha Ah Oo Gaadhay Mag... “Madaxweyne Hal Caare Ayeynu U Taag Lanahay Ee Boqol Caare Ayaa Iman Doona, Hadii Aanad Dadka U Soo ... War Deg-Dega Xoghayaha Cadaalada ee Xisbiga Wadani Oo ay Mar dhawayd Kooxo Hubaysani Dhaawacyo Culus... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|