|
|||||
WAJAALE NEWS
Maxaad Kala Soctaa Muwaadin Mashruucyada Dhismaha Wadooyinka Iyo Sida Wasiiro Xukuumada kamid Ah (Faallo )
October 12, 2013 - Written by Wariye:
“Malaha waxa Qurux badnaan laheyd in La Sameeyo Gudidii Dadweynaha iyo Qeybaha Bulshadaka koobneyd oo dhan sidii loo dhisay Biriishka Labaad ee Caasimada, ooWasiirada iyo Xukuumada ka madaxbanaanaadaan, haba la siiyo Kontaraaga Dhismaha,ciday la doonayane, oo aan loo tartamin Shirkad kalena lasiine waxaanan is leeyahey in Xukuumadu hantideeda oo kaliya ha maamusho laakiin ta dadweynaha,in loo gacan galiyaa mafiicnaan doonto ayay ila tahey”Sidaa waxa yidhi Cabdi Aadan Maxamuud oo kamid ah Shacbiga kunool Caasimada Hargeysa ee Somaliland. “Maalmahanba waxaanu isweydiinaynay, ilaa Xafladii habeenkii dhaweyd lagu Qabtey Huteelka Maansoor Malagu Aamini karaa Wasiirada ka faa,ideysanaya Jaaniska in gacantooda lagu sii daayo qaadhaanka loo ururinayo Dhismaha jidka Ceerigaabo iyo kuwa qabyada ah ee ay balan qaadeen, laakiin waxa iyana nasiib daro ah in ay Baarlamaankii shicibka soo doortey in lagu kordhiyo Cashuurta u gacan taagey ee Meel mariyay in ay hadana iyagu diidaan qaadhaankii lagaga jarayay Mushaharkooda ee loo cayimay, intoodii badneydna waabay diideen, lacagta Turkiga lagu sheegay oo kaliya hadii sidaacad ah lo maamulo badhbaa inaga hadhi lahaa”Sidaa waxa tidhi Aamina Saleebaan Cabdiraxmaan oo goob joog ka aheyd Xafladii Maansoor ee Wasiirka Madaxtooyadu ka hadley. Sikastabaha ahaatee waxaan muran ka taagneyn in siweyn isha loogu hayo SocdaalkaWasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xasan ku gaadhayo Magaalada Ceerigaabo dhawaan iyo ujeedada nuxurka safarkiisa iyo qaababka kale ee markale Bulshada loogu soo bandhigayo ololaha qaadhaanka Wasaarada Madaxtooyadu wado ee lagu doonayo in Shacbigu lacago aan Xisaab laheyn ugu wareejiyaan Xukuumada si wax loo dhiso iyadoo, aanay jirin Hay,adihii dabagalka iyo baadhista hantida Qaranka ee Hantidhowrka sida aynu kor kusoo xusney, Lasoco Qormada dambe, iyo Xogaha ku wajahan lacagihii qaadhaanka Tog-wajaale eeGanacsatada laga ururiyay iyo Waxyaabaha lagu qabtey lacagtaas…
Wajaale News Related posts:Dawlada UK Oo Ku Biirtay Dawladaha Doonaya Inay Saldhig Millatari Ka Furtaan Somaliland!Warbixin Wa... Abwaan Axmed Aw Geedi Oo Ibo Furay Maanso La Baxday Garbo-Diir Oo Uu Ku Dhaliilayo Xukunka Madaxwayn... Guddidii Xalinta Khilaafka Xisbiga Kulmiye Ee Uu Gadh Wadeenka Ka Ahaa Gudoomiyaha Guurtidu Oo Xalay... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|