Maxaad Kala Socotaa Mashaariicda Dhismaha Wadooyinka iyo Sida Wasiiro Xukuumada kamid ahi u Mashruucsadaan Xeelad Intee Leegbaa Kujirta Qaadhaanka?Faallo Cabdiraxmaan-Hiiraan Q2aad | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaad Kala Socotaa Mashaariicda Dhismaha Wadooyinka iyo Sida Wasiiro Xukuumada kamid ahi u Mashruucsadaan Xeelad Intee Leegbaa Kujirta Qaadhaanka?Faallo Cabdiraxmaan-Hiiraan Q2aad
October 10, 2013 - Written by editor

“Hadii La Kordhiyay Cashuurihii Gaadiidka iyo Xoolaha Baarlamaankuna Ansixiyay Si Loogu Dhiso Jidka U Dhexeeya Burco Ilaa Ceerigaabo Qaadhaanka iyo Bandhigyada Wasiir Xirsi Maxey Daaran Yihiin?”

Hargeysa(WJN)-Hadeynu ku noqono Qoramdii hore waxeynu  mareynay waxa loo alifey Islamarkaana,Xarunta Madaxtooyada loo Hoos geeyayHay,adii Dhismaha Wadooyinka Somaliland ee aheyd(Somaliland Road Athorty)si  loogu guro Qaadhaano lacageed oo Bilaa Xisaab ah iyo bilaa Sumad ahhaseyeeshee, loo sameeyo Accont kaliya oo lagu shubo lacagahaas, WaxaanuWasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaahi Xasan u magacaabay  Hay,ada Cusub ee Gurista Qaadhaanada dhismayaasha Wadooyinka uu Mashruucsado  Gudoomiyihii Gudida Dhismaha Wadooyinka Gobolka Awdal(ASARDA) Xasan Cali  Cusmaan, oo isagu aqoon u leh ururinta Qaadhaanka iyo qaabka loogu dawaro  Mashaariicda noocan oo kale ah.  

Marka si xaqiiq ah hoos loogu dhaadhaco

waxa Mashaariicdan  Dhismaha Wadooyinka ee Wasiirka Madaxtooyadu Mashruucsanayo kujira Qodoba dhowr ah oo ay kamid yihiin Shirkad hada la abuurey oo Dhismaha Wadooyinka iyo  Qandaraaskii Madaarka Qaadatey oo Wasiirka Madaxtooyada iyo Wasiiro Xukuumada  ahi Shuraako kuyihiin oo kaligeed loo Xidhay Dhismayaasha Shirkadaas abuurka ah oo aan markii hore haysanin qalab kufilan laakiin looga iibiyay hada Qaadhaanadan iyo lacagtii Kuweyt ku caawisey Madaarada Somaliland ee Tobanka Milyan ee dollar aheyd, oo inteedii ugu badneyd la musuqmaasuqey, taas oo uu uga masuul yahey nin Lagu Magacaabo C/risaaq-Cumaani waxaana dad badani isweydiiyaan inta jid ee Xukuumadu wax ku daraysey in ay dhiseyso  qeyb kamid ah ha ugu badnaato Shan Km oo qabyo lagaga tagey ama aan la taaban  halkiina lagu daayay taas oo hadana markiiba loo Gudbayo wado kale ama Jid kaleoo loo baahan yahey in La Mashruucsado, Waxaana kamid ah  Wadooyinka qabyada lagaga tagey ee markii   dadweynuhu iskood u bilaabeen mar walbana lagu Xuso khudabadaha faanka Xukuumada Jidka Salaxley, Jidka u dhexeeya Oodweyne iyo Burco, Tog-Wajaale iyo Kalabeydh  oo shan Km laga Dhisey, haseyeeshee waxa imika aawan Wadada isku Xidheysa Ceerigaabo   iyo Burco taas oo kiishash dhaadheer loo Soo sameystey sidii qaadhaano door ah  oo culus loogu guri lahaa inkastoo laga bilaabay dib ugu soo noqoshada   Shaqaalaha Dowlada, Golayaasha Qaranka iyo Guud ahaanba Mushaharka Xukuumada   waxaana dad badani ku falanqeeyeen talaabadan hadii ay suurtagal noqon laheyd  in Si daacad ah loogu hagar baxo jidkaasi in inta loo saarey cashuurtaas iyo   Lacagaha lasoo Weydiistey Dowlada Turkiga oo Malaayiin dollar ka badan iyo   Qaadhaanada Mushaharka Xukuumada in lagu dhameyn lahaa laakiin Xaajadu sidaa  mar walba ka duwan tahey.             

“Hadii La Kordhiyay Cashuurihii Gaadiidka iyo  Xoolaha Baarlamaankuna Ansixiyay Si Loogu Dhiso Jidka U Dhexeeya Burco Ilaa  Ceerigaabo Qaadhaanka iyo Bandhigyada Wasiir Xirsi Maxey Daaran Yihiin?”Sidaa  waxa yidhi mid kamid ah Shacbiga Reer Somaliland Jawaabtuna ma aha mid meel fog  laga raadinayo , waa Musuqmaasuq aan xad laheyn oo uu gacanta ku haysto nin  kali ahi cidii doontaaba haku labeyso ama haku sadexeyso Xisaabtii, Qasnadii ay   ku dhaceysay Wacyigalintii qaadhaanka, Shirakdii iyo qalabkii  iyo Gaadiidki   idhismaha, iyo Arimo badan oo kale Waxaana kolay Tusaale loo soo qaadanayaa  Su,aalo badan oo Shacbigu indhawaale siweyn isku weydiinayeen kuwaas oo ay  kamid yihiin lacag intee leeg ayay Xukuumadu ku laheyd Cagafyadii dhawaan ay   furayaashooda ku wareejiyeen Gudida Dhismaha iyo Hurumarinta Gobolka Togdheer   ee Maxamuud Aadan Dhari ka Gudoomay Madexweyne Siilaanyo, waa mid macruuf ah   dhamaantoodna inta badan waxey ku aroorayaan wax aan xaqiiqda u dhaweyn oo   dhalan  habaabis badani kujirto si loo wado Mashaariicda Dhismaha Wadooyinka ee  La Mashruucsanayo, waayo hadaaney taasi jirin maxaa loo dhameys tiri waayey Jidlk balanqaadey markii hore Dhismhiisa?, Maxaa loo dhameys tiri waayey jid  dhismhiisa Shacbigu bilaabeen intii ay Xukuumadu ku darsatey?, halkey gaadhsiin   doonaan, Jidka Kiishashka waaweyn loo soo qaatey ee hada Ceerigaabo lagu   Suntey? Su,aalahaa jawaabtoodu dadku waa yaqaanaa aniguse daaha kama rogin,laakiin qormadeenan aan ku hakiyo nuxurka Danaha kujira Qaadhaanka DhismahaJidadka iyo sida Loo mashruucsanayo, inagoo Qeybta Sadexaad kusoo qaadan doona jidadka balanqaadka Xukuumada ah kharashka ay ka bixisey iyo inta ay   Ganacsatada ka qaadhaan kaga gurtey iyo inta ku baxdey Tusaale ahaan jidka 18KMah ee u dhexeeya Tog-Wajaale iyo Kalabeydh.

Lasoco, qeybaha dambe……………….

COMMENTS
LINKS