Maxaa sobobay in xukuumadu xoog kula wareegto xarunta darbijiifka yaase lootufmayaa falkaa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaa sobobay in xukuumadu xoog kula wareegto xarunta darbijiifka yaase lootufmayaa falkaa
October 28, 2013 - Written by Editor:

Waxaa maalmihii udanbaysay bulshada Somaliland aad looga hadal hayay xadhiga lagula kacay gudoomihii xarunta darbijiifka iyo agoomaha marwo luul xasan mataan oo ahayd gabadh reer Somaliland ah islamarkaana ahayd haweenaydii aas aastay xaruntan oo lagu daryeelo caruurta darbijiifka caruurtaasi oo ahaa kuwo kudacdaraysan gidaara magaalada hargaysa iskuguna jiray hablo yaryar iyo inamaba. Hadaba maxaa sobobay in dawladii iyadu kasuulka ahayd  umadan ay burburiso meel lagu daryeelo caruur intaa leeg.oo hayd masuuliyadeedii  ayna gabtay waana waxlaga xishoodo

Waxay xukuumadu rajadoodii baabiisay caruur tiradoodu gaadhayso 200 oo caruura kuwaasi oolaga soo ururiyay badhtamaha hargaysa marka horena kaquustay rajo nololeed,hadana dibloogu celiyay rajadii madoobayd ee ay hore ugu sugnaayeen taasi ookadhigaysa umadkii daryeeli lahaa isagii darxumeeyay

Hadaba maxaa sobobay arinta noocana?miyaan xilka lagaqadi karin iyagoon sifahan xadhiga ah marin; dawladase maxaa ugu jira baabiinta ubadkan?suaalahaasi odhan waxaan udhaafaynaa dadwaynaha la afariirsan talo xumada dawlada siilaanyo oo umadu kuhungawday gabi ahaanba .

Waxay ilo xogogaalihi sheegayaan inqofkale lagu badalayo luul xasan mataan oo iyadu aas aastay xarunta hadaba hadii aytaladii noqotay inlaga qaado maxaa sifo sharciya.loo mari waayay taas waxay cadaynaysaa khibradla.aanta hogaanka siilaanyo  arimaha kale ee isbarkan ayaa waxaa kamida in xukuumada siilaanyo kucaana maashay aargoosi bulshda ay xukunto maaha markii u horaysay ee sidan oo kale ay kukacdo waxa jiray masuuliyiin hore oo laga urinayay xusbigii udub ee ayka guulaysteen

Waxaa hore sidan oo kale loogu sameeyay Ibrahim amiin gadiid oo ahaa xisaabiyihii wasaarada waxbarashada isla markaa masuulka ahaa dhalinta kacaanka amaba xarunta agoomaha masuulkaa oo loogu marmarsooday odhidka ayaa xidhay markii danbana iska cadaatay inlagu dilayay udub baad ahay iyo waliba riyaale ayaad isku beeltihiin waxa kaloo lala xidhay cabdirasaaq (kildhi) oo isna xarunta agoomaha maamul ka ahaa waxaana aritaa dabada kariixasay wasiirada waxbarashada udub nacayb ku xidhay waxaa kaloo jirtay gabadhii xisabiyaha ka ahayd wasarada ciyaaraha oo markii danbe iskagaba tahriibtay dalka markii ay xamili wayday cunsuriyada lagula kacay oo korinaysay caruur uu aabe u ahaa mujaahid kushihiiday xorayntii dalka aynu manta kutarki falayno awoodiisa. Waana ayaan darooyinka uu sobobay hogaanka xumada siilanyo

Hadaba marka la eego sidii ay xukuumadu kula wareegtay xaruntii agoomaha ee hargaysa ayaad moodaa inaykula wareegayso xaruntii darbijiifkana waxay iswaydiintu tahay qolodan dalka haysata ee ay haweenku gadhwada kayihiin caruurta agoomaha masuuq kaleluul xasan mataan ayay u hayaan oo ahayn daryeelka waayo isku sibay ula waeegayaan waxaana la odhankaraa caruurta ayay sifo kale uga faa iidaystaan

Isku soo wada duuboo waxaynu kadhulsugi doona halka aydhigato arintaa lagulo kacay maamulkii xarunta darbi jiifka somaliland

COMMENTS
LINKS