Magaalada Addis Ababa Ee Xarunta Wadanka Itoobiya, Ayaa Waxaa Maanta Si Rasmi Ah Uga Furmay Shirkii Ay Ku Lahaayeen Madaxda Ururka Midowga Afrika. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Magaalada Addis Ababa Ee Xarunta Wadanka Itoobiya, Ayaa Waxaa Maanta Si Rasmi Ah Uga Furmay Shirkii Ay Ku Lahaayeen Madaxda Ururka Midowga Afrika.
October 12, 2013 - Written by Wariye:

addis abbabaAbaba(Wajaale News)-Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Wadanka Itoobiya, ayaa waxaa maanta si rasmi ah uga furmay shirkii, ay ku lahaayeen Madaxda Ururka Midowga Afrika.

Shirkaan, ayaa waxaa furay Hogaamiyaha Ururka Midowga Afrika Jocob Zuma iyo Raa´isal Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, oo isagu shir gudoominaaya.

Labaduba waxay sheegeen in Midowga Afrika ay dhowr jeer cabashooyin u gudbiyeen Maxkamadda dambiyada Caalamiga ah, hase yeeshee aan waxba laga qaban cabashooyinkaasi.

Sidoo kale masuuliyiintaan waxay kaloo sheegeen in Maxkamadda ICC, ay si gaar ah u beegsato Madaxda Afrika, taasoo aan Cadaalad aheyn, sida ay sheegeen.

Madaxda Afrika, ayaa waxay maanta go´aan

ka gaari doonaan Maxkamada Caalamiga ah ee dambiyada adduunka (ICC), laakiin ma cadda nooca uu noqon doono go´aankoodaan.
Addis Ababa,Ethiopia.

 

Wajaale News
Hargeysa Office
Info:wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS