|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo Oo Laga Talaalay Cudurka Dabaysha
October 20, 2013 - Written by editor
Madaxweyne Axmed Siilanyo ayaa markuu qaatay talaalkii lagaga hortegayey cudurka dabaysha u soo jeediyey bulshada reer Somaliland inay ka wada qeybqaataan inay qaataan talaalkan.
Madaxweyne Axmed Siilanyo ayaa markuu qaatay talaalkii lagaga hortegayey cudurka dabaysha u soo jeediyey bulshada reer Somaliland inay ka wada qeybqaataan inay qaataan talaalkan. “Talaalkan oo faa’iido u leh dadka iyo dalka aad ayey muhiim u tahay in la qaato, maadama uu caafimaadka dadka ahmiyad weyn u leh. Waxaan ku guubaabinayaa dadka uguna baaqayaa inay qaataan talaalkan. Waxaan ilaahay uga rajeynayaa inuu caafimaad inna wada siiyo, oo faa’iido iyo kheyr ka helo,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
WAJAALE NEWS DISK
CONTACT US : Wajalenews@gmail.com COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|