|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Kenya Oo Weerarkii Hubaysnaa Ee West Gate Ka Dib Ku Dhawaaqay In Uu Dalkiisu Qaadayo Weeraro Dibedeed.
October 21, 2013 - Written by Wariye:Nairobi(Wajaale News) -Madaxweynaha dalka Kenya Mr Uhuru Keneyatta Ayaa markii ugu horaysay shaaca ka qaaday tan iyo weerarkii foosha xumaa ee bishii hore lagu qaaday goobtii ganacsi ee west Gate in dalkiisu uu qaadayo weeraro kaas oo uu ka fulinayo meelo ka baxsan gudaha Kenya oo dibadda ah si loo badbaadinayo ayuu yidhi shacabka dalkayga. Madaxweyne Uhurru, waxa uu sheegay in dawladda Kenya u xil ka saarantahay sidii loo sugi lahaa amaanka gudaha ee Keya isla markaana anay u dulqaadan Karin in dalkiisa debeda lagaga soo qaado weeraro argagixiso. Madaxwayne Kenyatta ma uu cayimin goorta uu weeraradan dibadeed ee lagu difaacayo amaanka gudaha ee dalkiisa uu qaadayo iyo cida uu ku qaadayo, balse waxa uu dhadhamayaa hadalkiisu in ay bar-tilmaamedsan doonaan xarakadda Al-Shabaab, oo sheegatay masuuliyadda weerarkii hubaysnaa ee ay ku dhinteen 67 qof ee lagu qaaaday xaruntii ganacsiga ee Westgate Mall, ee ku taalay badhtamaha caasimadda dalka Kenya ee Nairobi. Hargaysa Office Related posts:Siyaasi Cabdiraxmaan Cadami Oo Ka Hadlay Iscasilaadii Raysal Wasaarihii Itoobiya Iyo Saamaynta Ay So... Wasiir Saajin Oo Beeniyay In kulmiye Maxamuud Xaashi Kusoo Daray, Sheegayna In Uu Rajaynayo Inuu Ku ... DAAWO;Inaga Oo Og Colaadda Ka Taagan Bari Hadii Maanta Lagu Daro Colaad Kale Oo Ka Dhacda Gobalka Aw... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|