Magaabista gudiga qaban qaabada+ maqnaanshaha musharaxiinta qaar + saadaashii cali guray + hurdada dheer ucid iyo wadani
Ciyaartii isrereebka siyaaasada Somaliland ugu adkayd abid oo dhexmari doonta musharaxiinta kulmiye.
Ciyaartan imisa qof ayaa garoonka ka dawaan doona+ ma la yaqaanaa garoonka la ciyaari doono + yaa siidhiga qabanaya + ciyaartoyga casaanka qaataa ciyaarta ma ka baxayaa?
Markii ugu horaysay ee Somaliland dadku waraaqo ku codeeyaan waxay ahayd aftidii dadwaynaha waxaan xasuustaa sidii ay wax u dhaceen dowladii markaa jirtay waxa madaxweyne ka ahaa marxuum cigaal oo aan is odhan karo wuxuu ahaaa muwaadin dhab ah isaga oo dhaqaale buuran hayn ayuu hirgaliayay doorashadaa ilaahay ha u naxariisto.
Laga bilaabo codbixinta aftida Somaliland waxa ka dhacayay dooroshooyin isku xigay oo guul ku dhamaada marka laga reebo doorashadii u dambaysay oo wixii qaldamay ay qaldameen.
Hadaba shayga hadii dib loo dhig dhigo shaki ayuu ku galaaya waxaan ka wadaa ciyaartan isreebreebka xisbiga kulmiye oo dadka ay aad u sugayaan maxaa loo qaban laayahay?
Qofkasta oo wax fahmayaa wuu ka jawaabi karaa hadii aynu dib u jaleecno shirkii kulmiye ee ka dhacay burco musharaxiin badan ayaa ka baxay degdeg ayaa loo xaliyay.
Shirkan kulmiye iyo kii burco ma isku midbaa? Jawaabtu waa maya barigaa kulmiye kumay jirin xisbiyo dhacay imika waxaynu wada ognahay in xisbiyadii dhacay intoodii badnayd ay kulmiye naf ka dayaeen waxaan ka baqayaa in foodhka la iskala daalo hadii ina c/qaadir maalintii dibada loo saaray kali noqday oo la waayay nin labeeya manta waxa madasha fadhiya rag aan la tabaan Karin oo ciyaarta si fiican u ciyaaraya hadii ay noqoto difaaca hidhka dhamalka koornaha 18 line haafsaydhka kaadhka guduudan.
Hadii kkulmiye shirkiisa ku guulaysto waxaan odhan karaa doorashadana wuu ku guulaysan balse kulmiye markii uu talada qabtay si fiican ayaa loo bartay ilama aha in uu khilaaf maqnaanayo sababta oo ah dulqaadku aad ayuu ugu yar yahay baryahan waxa saxaafada kusoo noqnoqonaysa in khilaaf ka dhex jiro wasiirada iyo agaasimayaasha qaar feedh isla dhaceen waxaan odhan karaa waa aalamito ka horaysay ciyaartan soo socota labana isma qabanayaan rag hore loogu balan qaaday in musharaxiin yihiin iyo dimuqraadiyadu.
Mustafa xasan
Mustafa.143@hotmail.com