|
|||||
WAJAALE NEWS
Kalfadhigii 26aad ee Golaha Sare Ee Dalada SONYO Oo Ka Furmay Magaalada Boorama
October 12, 2013 - Written by Wariye:Boorame(Wajaale News)-Waxa si rasmi ah uga furmay Magaalada Boorama kalfadhigii 26aad ee Golaha Sare Ee Dalada SONYO,kaasi oo ay ka qayb qaadanayeen gabi agaanba 19ka Xildhibaan ee laga soo doortay Gobolada Jamhuuriyada Somaliland, waxana goob joog ka ahaa Maayarka Boorama Saleebaan Xasan Xadi iyo Badhasaabka Awdal Cabdoo Axmed Aayar iyo xildhibaano ka Tirsan Golaha Deegaanka ee Degmada Boorama. Ugu horayntii ayaa gudoomiye kuxigeenka dalada SONYO Mustafe Maxamed Daahir oo furitaankii kalfadhigan ka hadlay uu yidhi ?Waxa ii farxad ah inmaanta uu si habsami ah uga furmo magaalada Boorama kalfadhigii 26aad ee GolahaSare Ee Dalada SONYO, waxa aan rajaynayaa in mudada 2da Gudoomiyaha Dalada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO Mubaarik Ismaaciil Taani oo isaguna hadalka ka daba qaatay ayaa salaan u diray gabi ahaanba dhalinyarada reer Somaliland waxana uu intan daba dhigay ?Waa noo farxad inkalfadhigan Golaha Sare Ee Dalada SONYO uu si rasmi ah noogu furmo, waa siyaasada dalada in afartii bilood ee kastaba dib loo eego hawlaha ay dalada heer qaranee SONYO ku foogan tahay ee ay u hayso dhalinyarada Somaliland oo dhan, waxa kalfadhigan lagaga wada hadli doonaa waxyaabo badan oo quseeya hormarkadhlinyarada Somaliland, baahida maanta jirta iyo duruufaha ku gadaaman dhalintaiyo sidii looga gaashaaman lahaa, mudada uu kalfadhigu socdo waxa aan dib ueegis ku samayn doonaa waxyaabahii dalada u qabsoomay afartii bilood ee la soodhaafay, sidoo kale waxa aan ku qorshayn doonaa waxyaabaha u baahan in diiradala saaro ee la qaban doono afarta sano ee soo socota? Gudoomiye Mubaarik isaga oo ka hadlay masiibada qaran ee Tahriibta ee dhalinta Somaliland dhabarka ka jabisay “Waxa ay dalada SONYO tacsi u diraysaa dhamaan qoysaska reerSomaliland ee ay dhalintiidu ku naf wayday masiibada heer qaran ee tahriibta,waan dareensanahay inay Tahriibtu tahay masiibo qaran, waan ka xunahay dhalintaku nafwayday, waxana aan ku baaqaynaa in talo qaran laga yeesho” Maayarka Boorama Saleebaan Xasan Xadi oo halkaasi ka hadlayayaa carabaabay in SONYO ay wax badan ku guulaysatay hiigsiga ujeedooyinkii loo aasaasay waxana uu yidhi “Waa hubaal inay SONYO soo saartay dhalin badan oomaanta hanaanka talada dalka iyo siyaasada ka qayb qaata, sidaas oo kale waxa SONYO ka soo baxay dhalin badan oo wax tar u leh bulshada, waxana hubaal ah inhadii rag badan oo maanta axsaabta siyaasada ku jira ay ahaan lahaayeen kuwo carbisan hadii ay bahda SONYO ku jiri lahaayeen isla markaana ay hufnaan kaga qayb qaadan lahaayeen toosinta iyo tusaalaynta masiirka umada Somalilandmaanta? Maayar Saleebaan isaga oo hadalkasii wata waxa uu yidhi “Mar hadii SONYO wax badan ka midho dhalisay hiigsigahimiladaasi, waxa loo baahan yahay in culayska iyo tamarta ay isugu gayso sidiiay bulshada uga wacyi galin lahayd masiibada Tahriibta oo maanta ah dhibaato balaadhan oo dhalinteena u soo hoyatay, ah” Badhasaabka Awdal Cabdoo Axmed Maxamed oo isagu kalfadhigan si rasmi ah u furay ayaa yidhi “Waxa aan kufarxsanahay inaan markii koowaad dalada SONYO kala soo qayb galo kalfadhi ay leeyihiin, sidoo kale waa wax lagu farxo in la arko dhalinyaradii Somaliland oo dalad ku midaysan, waxana ay astaan u tahay dalku sidii uu isugu xidhmi lahaa maadaama oo xooga dalku u badan yahay dhalinyaro, sidoo kale dhalinyaradu waa awooda qaran leeyahay ee uu ku fadhiyo”Ayuu yidhi Badhasaabka Awdal Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa “Mar hadii aaad tihiin dhalintii iyoxoogii dalka ee maata iyo sidoo kale madaxdii dalka ee barito, waxa la idiinkabaahan yahay inaad u guntataan in aad dalkiina dib u dhis ku samaysaan islamarkaana, aad taageero u noqotaan in la taabo galiyo nidaamka dawliga ah ee dalkeena ka jira oo u baahan in la baxnaaniyo oo la sii taaba galiyo, waana hubaal wax badan oo is jiidjiidasho ah oo ka jirta dalka in aad dhalinyaro ahaan tihiin cida kaliya ee dhex u noqon karta oo kan qaldan qaban karta kan saxana hiilka u noqon karta. Waxana aan ku faraxsanahay in dhalintu maanta ay qayb kanoqoto hanaanka dawliga ah ee dalka oo ay baryihii hore ka madhnaan jireen,waxana loo baahan yahay inaad sida ugu haboon uga faa?iidaysaan mansabka dhalinyaro nimo ee aad xambaarsan tihiin, noqdana kuwo dhalinta ka wacyigaliyaTahriibta maanta masiibada ah, una sheesha dhalinta inay ka waantoobaan” ayuu hadalka ku soo gabagabeeyay. Cabdoo Axmed Aayir Gudoomiyaha Gobolka Awdal. Si kastaba ha ahaatee dalada dhalinyarada Somaliland ee heer qaran ee SONYO waxa ay u ololaysaa helida iyohirgalinta siyaasado cad-cad oo horseeda shaqo abuuris lagu jiheeyodhalinyarada dalka, laguna maalo cilmigooda casriga ah caqligooda iyo cududooda dihin. Wajaale News Related posts:DAAWO;-Xisbiyada Qaranka Jsl,Madax Dhaqameed Iyo Xildhibaano Si Adag Uga Hadlay Dhibaatada Xukuumada... Maxaa Lagu Xasuusan Doonaa Ex Wasiir Marwo Samsam Cabdi Aadan Mudadii Ay Haysay Xilalka Kala Duwan E... DAAWO;-Falanqaynta Doorashada Dalka Maraykanka Oo Tartan Adagi Ku Dhexmaray Joe Bide Iyo Trump! COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|