WAJAALE NEWS

Arsene Wenger oo cadeeyey sida uu CR7 ugu dhowaaday inuu ka mid noqdo ciyaartoyda Arsenal

rolandoTababare Arsene Wenger ayaa daaha ka qaaday inay Arsenal ku dhoweyd saxiixa Cristiano Ronaldo ka hor inta uusan ku biirin kooxda Manchester United.
Red Devils ayaa dhameystirtay saxiixa weeraryahanka haatan u ciyaara Real Madrid sanadkii 2003dii, markaasoo isagoo da’yar uu kasoo tegay kooxda Sporting Lisbon.
Si kastaba ha ahaatee, Wenger ayaa cadeeyey inuu ku dhowaa saxiixa Ronaldo, laakiin fara-gelin uu sameeyey tababarihii hore ee United Carlos Queiroz ayaa kabtanka Portugal u diiday inuu xirto maaliyada numberka 9aad ee Emirates Stadium oo loo sii diyaarshay.

Arsene Wenger oo cadeeyey sida uu CR7 ugu dhowaaday inuu ka mid noqdo ciyaartoyda Arsenal
“Wuxuu aad ugu dhowaa inuu halkaan yimaado. Waxaan u diyaarinay maaliyada numberka 9aad oo ay Ronaldo dhabarka uga qoran tahay ee Arsenal Football Club,” Wenger ayaa sidaasi u sheegay ITV Sport.
“Maxaa dhacay markii Carlos Queiroz uu aaday Manchester United, isla markaana uu Ronaldo inaga nagu gacan seyray, sababtoo ah wuxuu ku yaqaanay Sporting. Sidaas ayey wax u dheceen. Mararka qaar wax walba oo fiican ayaad sameyneysaa laakiin waxaa laga yaabaa inay ku xoogaan dad adiga kaa xoog badan. Sidoo kale taas ayaa nagu dhacday.”
United ayaa 80 milyan oo ginni ku heshay 28 jirkaan markii uu uga biiray Madrid 2009kii.

Wajaale News
Hargeysa Office
wajalenews@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdiraxman Habane

Exit mobile version