Xuduuda Wax-Ka-Badalka Iyo Kaabida Distoorka (Qabtii 2AAD ) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xuduuda Wax-Ka-Badalka Iyo Kaabida Distoorka (Qabtii 2AAD )
September 14, 2013 - Written by Wariye:

garyaqaan cabdaleXubinta 3aad

Xubintani waxa ay sheegaysaa, waxa qofku xaqa ugu lee yahay qaranka, oo ay ka mid yihiin, waxbarasho, caafimaad, ilaalinta hantidiisa gaarka ah, dhawrida deegaanka iyo hoyga qofku ku nool yahay, iyo ilalinta dhamaan dhaqanka bulshada iyo waxa qaranku qofka xaq ugu lee yahay, oo ay ka mid yihiin, in uu canshuurta ku waajibtay uu bixiyo, ilaaliyo nabada iyo kala danbaynta, tabashadiisana uu hanaan xeerku ogol yahay u maro iyo sinaanta iyo in aanay jirin kala sarayn ay kala sareeyaan muwaadiniinta Somaliland, iyo hanaanka hadii muwaadinku gaf galo, sida loo marinaayo xeerarka ciqaabta ee u yaala qaranka, iyada oo qofku lee yahay xaqa is-difaaca, iyo xoriyada isgaadhsinta,iyo xurmaynta xuquuqda qofnimo, iyo isu celinta eedaysanayaasha, iyo hanaanka loo raacayo, magan galinta siyaasadeed, iyo kan ugu danbeeya oo sheegaya xuquuqda haweenka somaliland, waxa nay ka kooban tahay xubintani 18 qodob

FIIRO GAARA

Waxa u dhexxeya qof iyo muwaadin

Qof marka uu sheego distoorku ama xeerarku waxa ay ula jeedaan qof kasat, dhalashada uu doono ha sito, qaranka uu doonana ha ka soo jeedee

Muwaadin marka uu sheego distoorku ama xeerarka u yaala qarankeenu, waxa uu u jeedaa qof kasta oo haysa dhalashada Somaliland.

Ka hore waxa baxay muwaadinkii haystay dhalashada Somaliland

Kan kan danbana waxa baxay qofkii aan haysan dhalashada somaliland

qaybta 2aad

Qaab-dhismeedka Qaranka

Oo ah qodobka 37aad, waxa uu sheegayaa, in awooda iyo karaamada qaranka, uu Eebe ugu deeqay bulashada Somaliland, cid ka xusul-maroojin kartaana aanay jirin, awoodaas iyo karaamadaasna uu u dhiibtay hadba xukuumadii maamulka haysa, iyada oo la raacayo sida distoorku qeexay.

 

 

 

Xubinta 1aad

Waaxda xeer dejinta

Qodobkani waa qoqob sheegaya fadhiyada labada gole, iyo hanaanka xeer dejinta, waana awood u gaara labada gole, mana laha, waaxaha kale ee qaranku, marka laga tago xeer hoosaad yada, waan qodobka 38aad ee distoorkeena, waxanu lee yahay waaxda xeerdajintu waxa ay ka kooban tahay

1-     Golaha Wakiilada ( Aqalka Hoose)

2-     Golaha Guurtida   ( Aqalka Sare)

Golaha Wakiilada

Qodobada ku saabsan golaha wakiiladu, waxa uu sheegayaan, tilmaamaha golaha, tiradooda, habka doorshada, shuruudaha qofka xubinta ka noqonaya golaha, mudada xilka, xarunta golaha, iyo awoodaha golaha wakiilada, waxanay ka kooban yihiin 18 qodob

Golaha guurtida

Qodobada ku aadan golaha guurtidu, waxa ay la mid yihiin kuwa golaha wakiilada waxa ay ku kala duwan yihiin, oo sidaas u weynina ma jiraan, se waa jiraan hawlo, ay kala leeyihiin, waxana ka mida

1-     Golaha wakiilada ayaa leh ansixinta iyo ogolaanshaha miisaaniyada qaranka, iyo xisaab xidhkeeda.

1-     Golaha guurtida ayaa u xil-saaran xalinta muranada, hadii ay yihiin kuwa dhex mara qabaailka iyo hadii ay yihiin kuwa kale ee ka dilaaca waadanka.

Golaha guurtidu waxa uu yahay gole dhaqan iyo gole siyaasadeed iyo gole xeer dajin, waxan uu dheer yahay golaha wakiilada dhaqanka, qodobada ku saabsan golaha guurtida ee ku jira xubinta 2aad waxa ay yihiin 23 qodob.

Qaybta 3aad

Waaxda Fukinta

Xubinta 1aad

Xubintani waxa ay si faahfaahsan u sheegaysaa, waaxda fulinta, oo uu gadhwadeen ka yahay, madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisu, habla loo dooranaayo, mudada xilkooda, shuruudaha qofka xubinta ka noqonaaya, waxyaabaha ka reeban, mudada xilkooda, gunadooda, habka jagada banaanata, waxana ay ka kooban tahay xubintani 12 qodob

Xubinta 2aad

Xubintani waxa ay sheegaysaa, awoodaha madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, iyo awoodaha kale ee madaxweynaha ee la xidhiidha xeerka dagdaga ah, hab-maamuuska madaxda qaranka, golaha wasiirada, sii-haynta xilka marka xilku banaanado, habla loo eedaynaayo madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa iyo xubinta golaha wasiirada, iyo habka dacwada loogu soo oogaayo, waxana ay ka kooban tahay xbintani 8 qodob

Qaybta 4aad

Xubinta 1aad

Waaxda garsoorka

Xubintani waxa ay sheegaysaa, waaxda garsoorka, awooda garsoorka u gaarka ah, qaab-dhismeedka garsoorka, maxkamadaha oo ka kooban,

1-     Maxkamada sare

2-     Maxkamadaha  racfaanaka ee gobolada

3-     Maxkamadaha gogolada

4-     Maxkamadaha dagmooyinka

5-     Maxkamadaha ciidamada qaranka iyo xeer ilaalintooda

Waxa kale oo ka mida xubintan, xeer ilaalinta, magacaabida gudoomiyaha maxkamada sare iyo garsoorayaasha maxkamada sare, waxana ugu danbeeya qodobka sheegaya xidhiidhka ka dhexeeya waaxda garsoorka iyo wasaarada cadaalada, waxanay ka kooban tahay xubin tani 11 qodob

 

 

Wajaale News

Hargeysa Office

wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS