|
|||||
WAJAALE NEWS
Xisbiga Mucaaradka Ee Dalka AUSTRALIA Oo Ku Guulaystay Doorashadii Maanta Ka Dhacday Dalkaas.
September 7, 2013 - Written by Wariye:Melbourne, Australia: (Wajaale News) Waxa caawa la soo gabagabeeyey doorashadii lawada filaayey ee ka qabsoontay dalweynaha Australia. Hadaba maanta oo sabti ah oo bishu tahay 7 September 2013. ayaa waxa shacabka reer Australia ay codkoodii si hagar la´aan ah ugu deeqeen xisbiga mucaaridka ah ee loo yaqaano. The Australia Liberal Party. Xisbigaas oo si la yaableh uga guulaystay isla markaasna bada ku daray xisbul xaakimkii talada dalka gacanta ku soo hayey lixdii sano ee la soo dhafay, ee loo yaqaanay The Australian Labour Party. Hadaba doorashadan ayaa ahayd mid la filaayey aadna loo saadaalinaayey in xisbul xaakimka talada dalka gacanta ku haya in daadku qaadi doono, waxaanay u dhacday sidii saadaashu ahayd.
Wajaale News Office Hargeysa/Somaliland Related posts:Daawo: Muj Xasan Guure Oo Jawaab Adag Ka Bixiyay Hadalo Ka Soo Yeedhay Muj Axmad Mirre Iyo Boqor Buu... Madaxweynaha Cusub Ee Maraykanka Oo Loo Soo Jeediyey Inuu Qunliyado Ka Furo 7 Magaalo Oo Ay Caasimad... “Sheekh Aadan Siiro Xaqbuu U Leeyahay In Uu Ila Tartamo, Nasiibkayagana Waanu Kala Qaadi”.Gudoomiye ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|