|
|||||
WAJAALE NEWS
Xasan Sheekh Maxamuud Oo Dib Ugu Laabtay Muqdisho, Kana Degay Garoonka Diyaaradaha iyo Kolanyadii Shalay Galbisay Oo Mar Kale Weerar La Kulantay Warbixin
September 4, 2013 - Written by Wariye:Muqdisho (Wajaale News) – Madaxweynaha Dawladda Federaalka Somalia Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaaladda Muqdisho oo shalay uga amba-baxay Dhinaca Magaalo Madaxda Gobolka Shabeelaha Hoose. Booqashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa salka ku haysey sidii ugu qayb geli lahaa munaasabad loo qabtay heshiis ay laba beelood wada gaareen iyo weliba sidii uu ugu kuur geli lahaa xaaladda degmada Marka. Dhinaca kale wararka ka imanaya Magaaladda Afgooye ayaa sheegaya in Gaadiidkii ay wateen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee shalay geeyay madaxweynaha Soomaaliya degmada Marko oo soo maray jidka isku xidha magaalada Muqdisho iyo Afgooye ayaa la sheegayaa in qarax miino lagula beegsaday meel ku dhow degmada Afgooye. Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha soo gaaray ayaa haddana wararku waxay sheegayaan inay jiraan khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac ah oo ciidanka soo gaaray. Dhanka kale, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu maanta kula kulmay Muqdisho wafdi ka socday dalka Sweden, isagoo xusay in dowladda Sweden ay mar walba garab taagnayd Soomaaliya.
Wajaale News Office Hargeysa/Somaliland Related posts:Shirka Golaha Wasiirradda Somaliland oo Lagaga Dooday Arrinta Saami-Qaybsiga Wakiillada iyo Diyaar-G... DAAWO;-Maxkamada Gabiley Oo Dhaarisay Xildhibaan Shirwac Oo Buuxinaya Kursi Ka Banaanaa Golaha Deega... 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐇𝐨𝐲𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐝𝐚𝐲 𝐒𝐮𝐥𝐝𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐒𝐮𝐥𝐝𝐚𝐚𝐧 𝐗𝐢𝐫𝐬𝐢 𝐐𝐚𝐧𝐢 COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|