|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Duulista Iyo Hawada Somaliland Oo Mar Kale Faah Faahin Ka Bixiyey Diyaarada Daallo Air Line Oo Maanta Soo Caga Dhigatay Madaarka Diyaaradaha Ee Caasimada(Muuqaalo Ayaan Idiinka Haynaa)
September 2, 2013 - Written by Wariye:Hargeysa(Wajaale News):-garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa oo dhawaan xadhiga laga jaray ayaa waxa si rasmiya uga bilaabmay duulimaadyadii caadiga ahaa, iyada oo ay bilaabantay duulimaadyada diyaaradaha waa weyn ee qaada rakaabka. Diyaarada Daallo Air Line oo ah mid qaada rakaabka ayaa maanta ka soo degtay garoonka diyaaradaha caasimada ee Cigaal International Air Port,iyad aoo ka soo duushay xarunta wadanka Somaliya ee Muqdisho isla markaana waday rakaab aad u badan. Wasiirka duulista iyo hawada somalilandn Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka hadlay imaanshiyaha diyaaradahan ayaa waxa uu sheegay inay farxad u tahay inay diyaarada Daallo soo cago dhigato garoonka caasimada waxaanu yidhi ?farxad weyn ayey noo tahay inaanu maanta soo wareejino duulimaadyada diyaarada Daallo Air Line kaas oo ka bilaabmay garoonka diyaaradaha ee caasimada sidaan ayaanu ku wadi doonaa diyaaradaha kale, waxaana lagu dari doona garoonka qaybo kale oo dheeeraada si ay diyaaradaha ugu waa wayni u yimaadaan halkan, waxaanu doonaynaa inaanu qarankan ganacsigiisa dhiiri gelino inaanu dad badan oo maal gashadayaal ah soo jiidno taasina waxay u baahan tahay inaynu helno dekado wanaagsan, garoono diyaaradeed oo wanaagsan iyo waddooyin wanaagsan siyaasadaas ayeyna xukuumadani ka duulaysaa.? Ayuu yidhi wasiirka duulista iyo hawada Somaliland. Sidoo kale Maamulaha guud ee shirkada diyaaradaha Daallo Muniir Abu Site oo ka hadlay imaatinka diyaaradan ee garoonka caasimada ayaa waxa uu sheegay. ?maanta waxa madaarka caasimada Hargeysa ka soo degay duulimaadkii ugu horeeyey ee diyaarada Daallo Air Lines kaas oo ka yimid magaalada Muqdisho kuna socda magaalada Jida, waxaanan u sheegaynaa dadweynaha in duulimaadyadii Diyaarada Daallo ay ka bilaabmi doonaan garoonka diyaaradaha ee caasimada.? Ayuu yidhi maamulaha shirkada diyaaradaha Daallo Air Line Muniir Abu Site. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|